4011 Views

Madaxweynaha oo kulan Wadatashi ah la qaatay Dhalinyarada

Madaxweynaha oo kulan Wadatashi ah la qaatay Dhalinyarada
____________________________________________________________________________

Mogadishu, 23 September 2016 – Madaxweynaha Jamahuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xassan Sheekh Maxamuud ayaa xarunta madaxtooyada Villa Soomaaliya xalay kulan wada tashi ah kula yeeshay qeybaha kala duwan ee dhallinyarada Soomalaiyeed.

Kulanka oo qeyb ka ah taxanaha Talowadaag & Xaldoon oo uu taabbageliyo Ururka Dhallinyarada SYV ayaa lagu lafa guray waxyaabaha ka qabsoomay Tiirarkii lixda ahaa ee Dowlada Federaalka Soomaaliya, iyadoo dhallintu ay Madaxweynaha siiyeen talooyin dhaxal gal ah oo qeyb ka noqon kara qorshaha qabyatirka howlaha Qaran.

Dhalinyaradan oo ka kala timid qeybaha kala duwan ee bulshada sida dhalinyaro ciidamada katirsan, Dhalinyaro ganacsato ah, Dhalinta Garsoorka ka shaqeeysa ama bartay, Dhalin ku taqasustay xiriirka caalamiga ah, Dhaqaatiir, macalimiin, u dhaqdhaqaaqayaal arrimaha bulshada, Dhalinyaro Gobolada ka timid, Qurbajoogta iyo wariyeyaal.

md_xasan-wadatashi-dhaliyarada-9

Dhallinyaradu waxa ay isla qireen guusha laga gaaray hirgelinta Qorshaha Lixda Tiir oo ahaa qorshahii dowladeed ee ugu horreeyay tan iyo burburkii dowladdii milatariga ahayd ee Soomaaliya Janaayo 1991 iyagoo hoosta ka xariiqay in loo baahan yahay in la qabyatiro howlahaasi soo socday si loo gaaro horumar waara.

Madaxweynaha oo markii uu warbixannada dhageystay dhallinta la hadlay ayaa sheegay in talooyinka ay dhallinyaradu soo bandhigeen ay dhammaan ahaayeen kuwa dhaxalgal ah oo xilligii loo baahnaa ku soo beegmay.

“Dhallinyarada waa qeybta ugu muhiimsan bulshada, in taladooda la dhageysto oo dalka lagu hoggaamiyo waana lagama maarmaan, waxa ayna na gaarsiin kartaa horumarka aan hiigsaneyno” ayuu yiri madaxweynaha oo ka hadlay gebgabada kulanka.

md_xasan-wadatashi-dhaliyarada-7

Lixda Tiir waxyaabaha ka dhiman oo ay ka mid tahay in dalka la gaarsiiyo doorasho qof iyo cod ah, in tirakoob la sameeyo iyo waxyaabaha la midka waxaan ku soo bandhigi doonaa qorshaheyga” ayuu raaciyay madaxweyne Xassan Sheekh.

Madaxweyne Xassan ayaa ballan qaaday dhameystirka waxyaabaha ka harsan qorshaha lixda Tiir isagoo tibaaxay in dalalka soo kabanaya ay markasta u baahan yihiin hoggaan sugan si loo adkeeyo tiirarka la taagay.

Bishii September 2012 ayuu madaxweyne Xassan Sheekh waxa uu soo bandhigay qorshaha lixda tiir oo kala ahaa xasalinta dalka, kobcinta dhaqaalaha, nabadaynta & dib u heshiisiinta adeega bulshada, ilaalinta midnimada dalka iyo xiriirka caalamiga, waxaa qeyb badan oo bulshada ah ay qirsan yihiin in wax badan ka hirgaleen iyagoo garowsan in caqabado amni iyo dhaqaale la’aan ay keentay in si rasmi ah loo dhameystiri waayo, iyadoo dhameystirka Qorshaha ay u baahan yihiin in waqti kale loo helo si loo Qabyo-tiro ama loo dhameystiro.

md_xasan-wadatashi-dhaliyarada-4 md_xasan-wadatashi-dhaliyarada-2 md_xasan-wadatashi-dhaliyarada-5 md_xasan-wadatashi-dhaliyarada-8 md_xasan-wadatashi-dhaliyarada-1 md_xasan-wadatashi-dhaliyarada-6 md_xasan-wadatashi-dhaliyarada-3

.

.

.

_______________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment