2958 Views

Madaxweynaha oo fariin u diray Saraakiishii hore ee ciidanka

Madaxweynaha oo fariin u diray Saraakiishii hore ee ciidanka
____________________________________________________________________________

Muqdisho, November 02, 2016: Xasan Sheekh Maxamuud,Madaxweynaha Soomaaliya oo shalay xarigga ka haray xaruntii Ciidamada Cirka ee Afisyooni ayaa fariin u diray saraakiishii hore ee ciidanka, isagoo ugu baaqay inay soo celiyaan taariikhdii uu lahaa ciidanka Soomaaliyeed ee luntay.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in Dowladda Federaalka ay ahmiyad gaar ah siisay dhismaha hay’adaha dowliga ah sinidaamka dowliga ah uga hirgalo dhammaan dalka oo dhan si hor-umar loo gaaro.

“Dhismaha hay’adaha Dowliga ah waa aas aaska dowladnimo waxaana siinay ahmiyad gaar ah si howlaha muhiimka ah ee dowladda loogu helo xafiisyadiiiyo goobahii ay ka fulilahaayeen. Tani waxey noosahleysaa in Ciidanka Cirka ay manta leeyihiin xarun casri ah oo leh adeegyadii muhiimka u ahaa inay ciidankan ku howlgalaan.

Bacdamaa aan mudnaan gaar ah siinay amniga waxaan u guntanay sidii dhammaan hay’adaha amniga ay u heli lahaayeen xarumo iyo xafiisyo ay kugutaan waajibaadkooda qaran.”

“Taliyeyaasha Ciidanka Qalabka Sida iyo dhammaan Saraakiishii hore ee Soomaaliya waa inay qoraan taariikhdii uu lahaa Ciidanka Qaranka Soomaaliyeed oo mar ahaa geesiyaasha Afrika, kana qeybqaatay ka xorreyntii gumeystaha ee dalal badan oo Afrika ah”ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

“Sidoo kale ciidanku waxuu dalalka Afrika qaarka mid ah ugu tagijiray nabad-ilaalin, dhexdhexaadin iyo inuus iiyo tababaro heer sare ah. Sidaas daraadeed, jiilka cusub iyo kuwa ka danbeeya waa in loo qoraa taariikhdaassi ay ugufaanaandalkooda, ciidankooda iyo qaranimadooda”ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud.

Madaxweynaha ayaa ugu dambaysti u mahadceliyay dadkii ka qeybqaatay dib u dayactirka xaruntaCiidamada Cirka, waxa uunaTaliska Ciidamada Cirka kuladar-daarmay in ay dardargaliyaan howlaha baaxaddaleh ee ay u hayaan dalka iyo dadka, si dalka looga samatabixiyo dhibaatada mudadadheer soo jiitameysay, oo la doonayo in la soo af-jaro.

——————————

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment