5943 Views

Qarax laga beegsaday Hotel Dayax ee magaalada Muqdisho

Qarax laga beegsaday Hotel Dayax ee magaalada Muqdisho
____________________________________________________________________________

Muqdisho | January 25, 2017 – Inka badan 10 ruux ayaa ku dhimatay qaraxii xooganaa ee saaka lagu weeraray hotelka Dayax ee magaalada Muqdisho.

Laamaha amaanka ayaanan wali ka hadlin qaraxa iyo weerarka xigay ee lala eegtay Hotel Dayax.

Muddo Saacad ku dhow waxaa la maqlayay rasaasta ka dhaceysay gudaha Hotel Dayax.

Ilaa shan ruux ayaa la sheegay inay gudaha u galeen dhismaha Hotelka.

Qaraxa koowaad oo aad u xoogaa ayaa geystay burbur hantiyadeed, waxaana burburay dhamaan dhismayaashii ka agdhawaa goobta qaraxa uu ka dhacay.

Waxaa qaraxaasi xigay mid labaad oo loo malaynayo inuu ka dhacay Gaari NOAH ah oo ay saarnaayeen dableyda weerarka geysatay.

Dayax-5 Dayax-6 Dayax-4 Dayax-1 Dayax-2

.

.

.

__________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment