7992 Views

Xiisada Guuleed iyo Galmudug oo weli kacsan

Xiisada Guuleed iyo Galmudug oo weli kacsan
____________________________________________________________________________

Cadaado (Horumar Online) – Madaxweynaha maamulka Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa mar kale ku guuldareystay la kulanka Xildhibaanada Galmudug, kuwaa oo dhawaan sheegay in xilka ay ka qaaden.

Mr. Guuleed oo ay xaaladu ku xun tahay ayaa ku dhiiraday in Odayaasha Beelaha uu usoo bandhigo Dacwadaha uu ka qabo xil ka qaadistiisa.

Madaxweynaha Galmudug oo la kulmay Odayaasha ayaa waxa uu ku wargaliyay in tallaabo uu ka qaadi doono Xildhibaanada ka hor imaaday, waxa uuna farta ku goday in marnaba uusan u dulqadan doonin in meesha laga saaro Maamulkiisa.

Waxa uu Odayaasha Beelaha u sheegay inay la hadlaan Xildhibaanadooda, waxa uuna ballanqaaday in wakhti danbe uusan qaadan doonin wadahadal ku aadan arrinkaasi.

”Odayaashu waa in Xildhibaanadooda ay kala hadlaan dhibta ay deegaanka ka dhex wadaan, waxaan halkaani ka sheegayaa in arrinkaani aan fadhi kale looga wadahadli doonin”. ayuu yiri, Guuleed.

Qoraal dhawaan kasoo baxay Xafiiska Hogaamiyaha Galmudug ayaa waxaa lagu sheegay in Guuleed uu yahay Hogaamiyaha Maamulka, isla markaana uusan booska uga bixi doonin go’aan ay gaaren tirro Xildhibaano ah.

Ugu dambeyn, Beesha Caalamka ayaa walaac ka muujisay xiisada ka dhex aloosan Cabdikariin Guuleed iyo Xildhibaanada Baarlamaanka maamulka Galmudug

.

.

..

Xafiiska Qaranimo Online ee Muqdisho

____________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment