3900 Views

Madaxweyne Xasan Sheekh “Dowladda Soomaaliya waxaa ay si weyn u rumeysan tahay in kiiskeedu uu qaanuuniyan haysto qiil wanaagsan”

Madaxweyne Xasan Sheekh “Dowladda Soomaaliya waxaa ay si weyn u rumeysan tahay in kiiskeedu uu qaanuuniyan haysto qiil wanaagsan”
____________________________________________________________________________

Muqdisho | Febraayo 2, 2017- Maanta oo ay bisha Febraayo tahay 2, Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda ICJ oo fadhigeedu yahay Hague, dalka Netherlands, waxay ku dhawaaqday go’aan ay ka gaartay diidmada hordhaca ah ee 7-dii Oktoober 2015 ay Jamhuriyadda Kenya ka soo jeedisay dacwada badda ee ay Jamhuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya ay ku oogtay Kenya. Jamhuriyadda Kenya waxaa ay diidmadeeda uga dalabtay Maxkamadda ICJ in ay caddeyso in aanay awood sharciyeed u lahayn in ay qaaddo dacwadda Soomaaliya ee ka dhanka ah Kenya, sidaa darteedna ay Maxkamaddu iska diiddo. Jamhruiyadda Federaalka ee Soomaaliya waxaa ay u gudbisay Maxkamadda ICJ dacwad 28 Agoosto 2014 iyada oo ka dalabtay in la asteeyo soohdinta badda ee labada dal.

Maanta, Maxkamadda ICJ waxay go’aamisay in ay awood sharciyeed u leedahay kiiska MOU oo ay Soomaaliya ku dacweysay Kenya. Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed waa ay soo dhoweeyeen go’aanka caddaaladda ku dhisan ee Maxkamadda, iyo dadaalka daafacayo badda Soomaaliya iyo kheyraadkeeda. Dowladda Soomaaliya waxaa ay si weyn u rumeysan tahay in kiiskeedu uu qaanuuniyan haysto qiil wanaagsan waxayna ka dhowreysaa Maxkamadda ICJ go’aan caddaalad ku saleysan oo kama dambeys ah oo kiiskan ay ka gaarto.

Shucuubta Soomaaliya iyo Kenya waxaa ka dhexeeya dhaqan iyo taariikh qoto dheer oo aanuu goyn karin waxna u dhimi karin is afgaran waa soo kala dhex galay. Runtu waxay tahay in dadka Soomaaliyeed iyo dadka Kenya uu mustaqbalkoodu yahay mid dhinacyo badan isaga xiran oo aan la kala saari karin. Dowladda Soomaaliya waxaa ka go’an in ay sii waddo in iyada oo ay si dhow isu kaashanayaan walaalaha Kenya ay aad uga shaqeyso in la wajaho arrimaha horyaalla labada dal iyo Gobolkaba.

.

.

________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment