2922 Views

RW Ku-Xigeenka dalka oo guddoomiyay shirka aan caadi aheyn oo ay Golaha Wasiirada yeesheen

RW Ku-Xigeenka dalka oo guddoomiyay shirka aan caadi aheyn oo ay Golaha Wasiirada yeesheen
____________________________________________________________________________

Muqdisho | February 11, 2017 – Waxaa shir aan caadi aheyn isugu yimid Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya. Shirka waxaa guddoominayay Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Mudane Maxamed Cumar Carteh. Goluhu wuxuu hoosta ka xariiqay inay maanta ku beegan tahay sanad guuradii 2-aad markii la dhaariyey sanadkii 2015-tii.

Golaha Wasiirrada wuxuu bogaadinayaa dhammeystirka hannaanka doorashooyinka ee soo socday bilihii lasoo dhaafay, kuwaas oo kusoo dhammaaday doorashadii Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Maxamed C/llahi Farmaajo.

Goluhu wuxuu u mahad celinayaa dhammaan shacabka Soomaaliyeed, sidii ay uga qayb qaateen hannaankaas. Wuxuu si gaar ah ugu mahad celinayaa masuuliyiintii kasoo shaqeysay hannaanka doorashada, gaar ahaan hoggaanka dhaqanka, ergooyinkii iyo guddiyadii heer federal iyo heer dowlad-goboleed iyo hey’adaha amniga. Goluhu wuxuu kaloo u mahad celinayaa taageeradii ballaarneyd ee ay beesha caalamku u fidisay hannaanka doorashooyinka Soomaaliya.

Goluhu wuxuu u hambalyeynayaa Guddoonka Labada Aqal ee Baarlamaanka, xildhibaannada iyo guddiyadoodii doorashada ee sida habsamida leh usoo dhammeystiray doorashadii Madaxweynaha, taas oo ay u riyaaqeen dhammaan shacabka Soomaaliyeed.

Goluhu wuxuu u mahad celinayaa Madaxweynihii hore, Mudane Xasan Sheikh Maxamud iyo Ra’iisul Wasaare Cumar C/rashiid. Wuxuu kaloo u mahad celinaya Madashii Qaranka oo kaalin mug leh ku laheyd hannaanka doorashooyinka.

Goluhu wuxuu u hambalyeynayaa Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya, Mudane Maxa’ed C/llahi Farmaajo, wuxuuna u rajeynayaa guul.
Xubnaha Golaha Wasiirrada waxay diyaar u yihiin inay si habsami leh xilka ugu wareejiyaan golaha cusub ee beddeli doona.

Ugu dambeyntii, Goluhu wuxuu ugu baaqayaa dhammaan shaqaalaha rayidka ah ee dowladda iyo diblomaasiyiinta iyo ciidammada inay dib ugu noqdaan howl-maalmeedkoodii caadiga aheyd, si loo dardar galiyo howlaha culus ee horyaalla Madaxweynaha iyo xukuumadda cusub.

.rw-xigeen-arte-1 rw-xigeen-arte-2 rw-xigeen-arte-3 rw-xigeen-arte-4

.

.

_______________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment