4395 Views

Ergeyga gaarka ah ee midowga “Soomaaliya hadda ayuu waaga u baryey…”

Ergeyga gaarka ah ee midowga “Soomaaliya hadda ayuu waaga u baryey…”
____________________________________________________________________________

Muqdisho | Febaraayo 15, 2017 – Ergeyga gaarka ah ee midowga Africa RANCISCO CAETANO JOSÉ MADEIRA ayaa ka hadlay doorashadii dhawaan ka dhacday dalka Soomaaliya markaas oo uu Maxamed Cabdulaahi Farmaajo helay codadkii ugu badnaa ee Xildhibaanada labada aqal ee Soomaaliya.

Ergeygaan ayaa ka dhawaajiyey in Soomaaliya uu hadda waaga u baryey maadaama ay doorteen sida uu sheegay madaxweynihii ku haboonaa xilkaaas oo uu ula jeeday Maxamed Cabdulaahi Farmaajo.

‘Soomaaliya iminka waxay leedahay madaxweyne si dimoqraadi ah ay u doorteen xubnaha labada aqal ee baarlamaanka qaran, waana madaxweyne xilkaas ku haboon’.  Sidaa ayuu bayaan ku yiri.

‘Waxaan u hambalyaynayaa madaxweynaha la doortay Mudane Maxamed C/laahi Farmaajo. Waxaan u rajeynayaa guul haatan oo uu isku dayayo inuu dalka u horseedo mustaqbal ifaya’.

Eregeygaan ayaa tilmaamay in wax kasta oo la isku qabto ay xallin doonaan baarlamaanka maadaama wadanka uu yeeshay laba aqal isagoo ku tilmaamay  in doorashadii 8dii bishaan dhacday ay gun dhig u aheyd in doorasho qof iyo cod ah ay dalka ka dhacdo sanadka 2020.

“ Waxaan hoggaamiyayaasha Soomaaliya ugu baaqayaa inay ka faa’ideystaan fursadaan hadda ay heystan oo ay garab istaagaan madaxweynaha cusub si loo gaaro dib u heshiisiin  rasmi ah iyo midnimo qaran” ayuu hadalkiisa kusoo xiray.

.

.

.

Xafiiska wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________

 

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment