4863 Views

Waa maxay sifooyinka uu Madaxweyne Farmaajo ku doortay Ra’isul wasaaraha?

Waa maxay sifooyinka uu Madaxweyne Farmaajo ku doortay Ra’isul wasaaraha?
____________________________________________________________________________

Muqdisho | Febaraayo 23, 3017 – Madaxweynaha JFS Maxamed C/llahi Farmaajo ayaa goordhow magacaabay Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia Xasan Cali Kheyre.

Madaxweynaha Qaranka Somalia ayaa Ra’isul wasaaraha ku xushay sifaad dhowr ah oo uu isaga u arko inay munaasib ku tahay Dowladiisa.

Sifaadka uu Ra’isul wasaaraha ku xushay ayaa waxaa kamid ah inuu leeyahay khibrad ku filan iyo inuu la shaqeeyay Hay’ado Caalami ah oo Somalia ka saarikara dhibta heysata.

Madaxweyne Farmaajo ayaa Ra’isul wasaare Xasan Cali Kheyre ku xushay calaamado ay kamid yihiin inuusan laheyn sifaad ay kaga hor imaankaraan Umadda Soomaaliyeed, waxa uuna horay u sheegay inuu magacaabi doono shaqsi ka fog danbiyo Qaran iyo baahi keenikarta inuu isticmaalo misna ku xadgudbo Hantida Qaranka.

Madaxweyne Farmaajo, ayaa sidoo kale, Xasan Cali Kheyre ku xushay calaamado ay kamid yihiin:

  1. Inuu heysto dhaqaale ku filan oo uu kaga maarmikaro ku xadgudbida Hantida Qaranka.
  2. Aqoon fog oo uu u leeyahay habdhaqanka Siyaasada iyo la tacaamulida Hay’adaha laf dhabarka u ah Kobcinta dhaqaalaha Somalia.
  3. Degnaanshiyo, Xasilooni Siyaasadeed iyo inuu ka caafimaad qabo Tuhun danbiyo dagaal iyo mid musuq-maasuq Hanti qaran.
  4. Inaanu ka weecankarin dhammaan qodobada ay ku heshiiyeen Madaxweynaha JFS oo ay kamid tahay Khilaafyada caadada ah ee inta badan u dhexeeya Madaxweynaha iyo Ra’isul wasaaraha.

Xasan Cali Kheyre, ayaan horay loogu wargalin in loo magacaabaayo xilka Ra’isul wasaaraha, waxaana jira warar sheegaya in saacado ka hor lagu wargaliyay in loo magacaabaayo xilkaasi.

Dhinaca kale, Madaxweyne Farmaajo ayaa ku baaqay in shacabka Soomaaliyeed ee doonaaya nabadeynta Somalia la shaqeeyan Ra’isul wasaaraha uu magacaabay.

.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

____________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment