6210 Views

Shariif Xasan iyo Antonio Gutteres oo kawada hadlay xaalada abaaraha gobolka

Shariif Xasan iyo Antonio Gutteres oo kawada hadlay xaalada abaaraha gobolka
____________________________________________________________________________

Baydhabo | Maarso 7, 2017 – Wafdi uu Hogaaminaayo Xoghayaha Guud Qaramada Midoobey Antonio Gutteres oo manta soo gaaray dalka Soomaaliya ayaa durbadiiba u amabaxay maamulka Koonfur Galbeen halkaas oo at ka jiraan abaaro ba’an oo u baahan in si degdeg ah loogu gurmada.

Wafdiga xoghaya Guud ee QM oo at wehliyaan xubno ka mid ah Golaha wasiiradda Xukuumadda Soomaliya ayaa maanta gaaray magaalada Baydhabo ee caasimada Koonfur Galbeed.

Wafdigaan waxaa garoonka Diyaaradaha Shaati Gaduud ee Magaalada baydhabo waxaa kusoo dhaweeyay Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbed Soomaliya Shariif Xasan Shiikh aadan iyo mas’uuliyiin kale.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaliya iyo Xoghayaha Guud Qaramada Midoobey Antonio Gutteres oo kulan ku yeeshay Madaxtooyadda koonfur Galbeed ayaa kawada hadlay sidii wax loogu qaban lahaa Abaaraha dalka ka Jira.

.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

____________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment