4848 Views

MALA DILAY? “HAA!, YAA DILAY? LAMA YAQAAN!

____________________________________________________________________________

March 25, 2017

 

 

MALA  DILAY? “HAA!!, YAA DILAY? LAMA YAQAAN!!

 

Waa goor galaba, lama oga saacdu intay tahay, dadka waxay lugaynayaan jidadka, dadna waxay fadhiyaan guryaha hortooda, dukaamaduna  way furan yihiin, waa xili loo diyaar garoobayo salaada.

Waxay ka soo tagtay Abaheed iyo Hoyadeed, iyadoo wax la barayo, waxay soo aday guriga banaankiisa, wax yar kadib waxaa la maqlay Dhawaqa Rasaas dhacday, waxaa soo baxay will yar wuxuu arkay qof dhulka jiifa, wuxuuna si naxdin leh ugu soo laabtay guriga isagoo ku dhawaaqayey “Hooyo, Hooyo hebla dhulkay jiiftaa”!!!

Waxaa soo kala Cararay waalidkii iyo ehelkii guriga joogay, waxaa la arkay Arin Argagax leh, waxay jiiftaa dhulka, way dhiig baxaysaa, Gurmada gaari uma dhawa, wax la sameeya lama yaqaan, waxaa la is waydiinayaa “YAA DHIBKAN GEYSTAY”?,  laakiin waalidkii dhalay waxaa uga muhiimsan sidee lagu bad baadiyaa, waxay dani TIRI Gacmaha lagu qaado ilaa laamiga wayn si loo helo TAXI ama BAJAAJ, dhiigu wuu socdaa, Malaha meel laga heli karo “gargaar deg deg ah, First Aid”, waa murugo iyo Ciil.

Waxaa la helay TAXI waxaa lagu yiri nagee isbitaal hebel, intii loo socday isbitaalka way “DHIMATAY”

Waxay noqotay Geeri lama filaan ah, waxay noqotay Dambi aan loo “HEYN CIDII GASHAY”, waxaa la is waydiiyey waa SAQIIR maxay Galabsatay, Maxaa DAMBIYA ay gashay?!!!

Waxaa isku soo baxay deriskii xafada, waa Murugo aan meel loo raaca lahayn, dadka wijiyadooda waxaa ka muuqata Xanuun dadka qaarna murugo ayey la ILMEYNAYAAN, gaar ahaan dadkii yaqiinay Saqiirka Dhintay.

Qofkasta ee soo mara jidka ee ku soo leexda dadka murugaysan waxaa la waydiinayaa Su’ashan “Mala Dilay? “Haa, yaa Dilay? Lama yaqaan”.

Waa la soo duugay Saqiirkii, lama hayo shaqsi muujiyey Alla ka CABSI ee yiri anaa DHIBKAKAN gaystay ee waxaan diyaar u ahay wixii Sharciga iyo Xeerku  qabo. Weli waa la sugaa, waxaase isweydiin mudan dhibkii loo geystay Saqiirkaas “goormaa la iska Abaal marin?

Ugu dambeyn waxaa hubaal ah in ay arintan Taaban doonto qofkasta, gaar ahaan Abbe iyo Hooyo, waxaa MURUGO iyo CIIL ah qof DILAY u badkaaga oo Saqiir ah ee Adan Aqoon, hadii aad taqaana aadan ku dhiiran Karin in aad waydiiso Su’asha aad u qabto iyo iyadoo aysan jirin Dowlad iyo Ciidan u taba baran in ay Raadinyaan Shaqsiqii gacan ku dhiiglaha ahaa ee laga yaabo in uusan ka fogeyn Goobta lagu dilay Saqiirkaas.

tani waxay daliil u tahay in si deg deg ah loogu bahanyahay in la helo SHARCI iyo CADAALAD lagu kala saaro XAQA iyo XAQDARADA daba dheeraatay. 

 

W/Q Cumar Farax

Qaranimo-online

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment