6552 Views

Maxaa ka taqaanaa Taariikhda Guddoonka Guddiyada Golaha Shacabka +Akhriso

Maxaa ka taqaanaa Taariikhda Guddoonka Guddiyada Golaha Shacabka +Akhriso
____________________________________________________________________________

Muqdisho | Abriil 24, 2017 – Bishan 17-keeda waxaa la soo gabagabeeyay doorashada guddoonka 14-ka guddi ee golaha shacabka uu ka kooban yahay, guddoonka guddiyada golaha shacabka ee baarlamaanka 10aad, waa kooxda ugu badan ee si joogta ah u shaqeyn doonta 4ta sano ee soo socota.

Hadaba, guddigan oo mas’uul ka noqon doona la xisaabtanka wasaaradaha xukuumadda, la socodka xaaladda dalka, soo gudbinta warbixinno joogta ah iyo arrimo kale waxaa laga sugayaa in ay wax badan soo kordhiyaan.

Halkan Ka Akhriso, Taariikhda Guddoonka Guddiyada Golaha Shacabka:

1. Guddiga Xuquuqul Insaanka: Guddoomiye Xildhibaan Sagal Isaaq Biixi

Sagal Isxaaq Biixi dhanka waxbarashada waxaa ay ka heysataa Master of business Administration, iyada oo ku taqasustay Project management, Jaamacad dalka Pakistaan ku taalo ayey ka soo baxday.

Sagal Biixi, waa xildhibaan ka tirsan baarlamaanka 10aad, 7-dii sano ee ugu dambeysay waxaa ay ka shaqeysay siyaasadda arrimaha bulshada.

Xildhibaan Sagal Isaaq Biixi waxaa kale oo ay horay uga soo ka shaqeysay hey’adaha dowladda iyo non governmental institutions.

Waxaa loo doortay guddoomiyaha guddiga Guddiga Xuquuqul Insaanka

2. Guddiga Kheyraadka Dabiiciga: Guddoomiye C/llaahi Goodax Barre

C/llaahi Goodax Barre, waxa uu ku dhashay magaalada Buuloburde ee gobolka Hiiraan, waxa uu ka soo baxay kulliyadda Beeraha Jaamacadda umadda Soomaaliyeed aqoonta Masterka waxa uu ku diyaariyay jaamacad Mareykana ah oo uu ku takhasusay dhaqaalaha beeraha iyo suuq geynta dalagyada beeraha.

Goodax, waxa uu shahaado sare ka qaaty jaamacadda Ottawa ee dalka Canada oo uu ku takhasusay horumarinta dunida saddexaad iyo diblumaasiyadda, waxa uu ka shaqeeyay dalka gudihiisa iyo dibaddiisa, waxa uu maamulay beertii ugu weynayd ee Jubbada Hoose ee magaalda Jamaame ee lagu beeri jiray Mooska, waxaana ka shaqeyn jira 1000 oo shaqaale ah, waxa uu soo noqday agaasimhii waaxda qorsheynta ee wasaaradda beeraha, waxa uu u shaqeeyay hay’adda UNDP oo uu uga shaqeeyay dalka Liberia, South Africa. Waxa uu soo noqdya wasiirka Qorsheynta ee xukuumaddii Badbaado, waxaa kaloo uu wasiirka arrimaha gudaha ka noqday xukuumaddii Cabdiweli Sheekh Axmed ee December 12, 2013-kii.

C/llaahi Goodax Barre waxaa mar kale Xildhibaan loo doortay baarlamaanka 10aad, hadda waxaa uu madax ka yahay Guddiga Kheyraadka Dabiiciga.

3. Guddiga Beeraha: Guddoomiye Xildhibaan Maxamed Cali Cumar Caano-nuug,

Maxamed Cali Cumar Caano-nuug , Waxaa uu ku dhashay magaalada Kismaayo 1979, Dhanka waxbashada waxaa uu ka baxay 1998: Garisa Secondary School isaga oo iska magaaladaasi Dibloma in Business ka dhameeyay 2003-dii Collrge-ka Zetech.

Waxbarashada kadib, Maxamed Cali Cumar Caano-nuug waxaa uu muddo ka ganacsan jiray Xoolaha.

2008: Waxaa uu ka mid noqday baarlamaankii KMG ahaa, isaga oo xubin ka noqday guddiga kheyraadka

2012-2016: Waxaa uu guddoomiye ka ahaa shirkad uu aasaasy xagga korontada ka shaqeysa waa Shirkadda korontada Blue SKY, waxaa kale uu leeyahay Baar isla magacaasi leh.

2016: Waxaa uu ka mid noqday Xildhibaannadii lagu soo doortay Kismaayo, hadda waxaa loo doortay guddoomiyaha guddiga beeraha, xannaada xoolha iyo kalumeysiga.

4. Guddiga arrimaha dibadda: Guddoomiye Xildhibaan Cabdulkadir Cosoble Cali,

Cabdiqadir Cosoble Cali, waxaa uu ku dhashay magaalada Luuq/Gedo sanadkii 1962-dii, waxbarashada illaa dugsi sare waxaa uu ku qaatey magaalada Muqdisho halka uu Jaamacadda ka dhameeyay Jaamacadda Azhar ee dalka Masar.

Waxyaabihii uu ka shaqeeyay 2002-kii kadib, waxaa ka mid ah: Shirkado Duulimaan, Lojistik iyo shirkado kale oo ganacsiga ku saabsan, 8-dii sano ee ugu dambeysay waxaa uu ahaa Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka-ka Soomaaliya, 4-tii sano ee ugu dambeeyay waxaa uu ahaa Guddoomiyaha guddiga arrimaha dibadda ee golaha shacabka,

Waxaa uu labo mar isu sharaxay jagada madaxweynimada ee Soomaaliya, waa xubin ka tirsan baarlamaanka 10aad, hadda waxaa mar kale loo doortay Guddiga arrimaha dibadda.

5. Guddiga Arrimaha Gudaha: Guddoomiye Xildhibaan Fowsiya Maxamed Sheekh,

Xildhibaan Fowsiyo, waxaa ay ku dhalatay magaalada Muqdisho, waxbarashada hoose/dhexe illaa sare waxaa ay ku qaatay Iskuulladii Talyaaniga ahaa ee Muqdisho sida dugisii sare ee Regionera ee KM 4 iyada oo ka baxday 1975-tii, kadibna Xalane.

1977-80: Waxaa ay dhigatay oo ka qalinjabisay kuliyadda sharciga ee Jaamacadda Umadda Soomaaliyeed.

1981-85: Waxaa ay ka shaqeyn jirtay xafiis qareenno oo fadhigiisu ahaa dalka Imaaraadka Carabta.

1985-87: Waxaa ay ka shaqeyn jirtay Isbitaalka Al-raashid ee dalka Imaaraadka.

1987-2004: Waxaa wax ka maamuli jirtay shirkadda Bin Madad General Trading Company ee dalka Imaaraadka, waa shirkad qoyskeeda lahaa.

2004-hadda waa Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya.

2005, Xukuumaddii Cali Maxamed Geedi, Wasiirka haweenka arrimaha qoyska, isla jagaas oo mar kale ay ka qabatay Xukuumaddii Cumar Cabdirashid ee Sheekh Sharif.

2012-2016: Waxaa ay madax ka aheyd guddiga arrimaha gudaha iyo amniga ee baarlamaanka 9aad, hadda waxaa loo doortay guddoomiyaha guddiga arrimaha gudaha.

6. Guddiga Difaac: Guddoomiye Xuseen Carab Ciise,

Xildhibaan Xuseen Carab Ciise, waxaa uu waxbarashada hoose/dhexe ku qaatay magaalada Muqdisho

Waxbarashada dugsi sare waxaa uu ku qaatay Kuwait International College ee dalka Kuwait

Waxbarashada heer koowaad iyo Master-ka waxaa uu ka qaaday Jaamacadda (Golden Gate University) ee dalka Mareykanka.

July 20, 2011: Xukuumaddii Cabdiweli Gaas waxaa uu noqday Ra’iisu-Wasaare Ku-Xigeenka ahna Wasiirka Gaashaandhigga

2012: Baarlamaanka 9aad waxaa uu madax ka ahaa guddiga difaaca isla guddigaas oo mar kale guddoomiye loogu doortay baarlamaankan cusub.

7. Guddiga Warfaafinta: Guddoomiye Xildhibaan Khaalid Macow Cabdiqadir,

Khaalid Macow, waxaa uu Muqdisho ku dhashay 1650-kii, waxaa uu wax ku bartey Jaamacadda Urbino iyo Akaadimeiyadda fanka ee Ravenna, waxaa taqasusaadkiisa ka mid ah Saxaafadda uu ka bartey Urbino , shaqadiisa waxaa uu muddo bare ka ahaa Jaamacadda Umadda, Jaamacadda Sanca iyo Jaamacadda Bologna, waxaa kaloo uu noqdey agaasimaha waaxda warfaafinta ee xibsigii XHKS.

Golihii shacabka 1985-1990, waxaa uu tifaftire ka noqdey Ogaal iyo Kasmo, waxaa kaloo uu qoray ilaa 4 buug

2016: Waxaa uu ka mid noqday baarlamaanka 10aad, hadda ayaa loo doortay guddoomiyaha Guddiga Warfaafinta.

8. Guddiga Adeegga Bulshada: Guddoomiye Xildhibaan Cali Cusmaan Xirsi,

Xildhibaan Cali Cusmaan Xirsi, waxaa uu dhashay 1975-tii, waxaa uu ku dhashay magaalad Kismaayo.

Xilligii UNOSOM, waxaa uu ahaa kalkaaliye caafimaad, Gargaarka degdegga ah iyo raajo ayuu kala shaqey jiray.

1998: Waxbarashadiisa dugsi sare waxaa uu ku qaatay magaalada Muqdisho.

2000-2003: Isbitaal Nairobi.

2004: Mareykan ayuu galay

2007-2011: Jaamacadda NDSU(North Dakota State University) ayuu ka bartay Maamulka Caafimaadka, intii ardeyga ahaa waxaa uu ka shaqeyn jiray wasaaradda boostada ee dalka Mareykanka.

2016: Xildhibaan baarlamaanka 10aad, waxaa sidoo kale loo doortay guddoomiyaha guddiga adeegga arrimaha bulshada.

9. Guddiga Dhaqaalaha iyo Ganacsiga: Guddoomiye Xildhibaan Maxamud Cabdiraxmaan Beenebeene,

Maxamud Cabdiraxmaan Beenebeene, Waxaa uu ku dhashay Buuloburde sanadkii 1979-kii, waxbarashada dugsiga hoose/dhexe waxaa uu ku qaatay isla Buulaay halka waxbarashada dugsi sare uu ku dhameeyay magaalada Muqdisho.

2002: Waxaa uu Dibloma xagga Dhaqaalaha ah ka dhameeyay Machadka SIMAD ee Magaalada Muqdisho.

Sanado kadib, Excelsior College- oo ka tirsan State University of New York ayuu ka qaatay, Bachelor xagga dhaqaalaha ah.

MBA waxaa uu ka qaatay Jaamacadda Umadda ee dalka Malaysia halka Honorary PhD siiyay Geomatika University College ee dalka Malaysia.

Intii uu Maleysia joogay waxaa uu ahaa ganacsade, waxaa kale uu wax ka dhigay Collegeyo iyo Jaamacado dalkaasi ah.

Wasaarassa hidaha iyo tacliinta sar ee Malaysia, waxaa uu qaabilsanaa suuq-geynta dalalka Carabta iyo Afrika , waxaa kaloo uu ku jiray gole ay sameeyeen ganacsatada Malaysia iyo Australia

5-tii sano ee ugu dambeysay waxaa uu guddoomiye ka ahaa rugta ganacsatada Soomaalida ee Minnesota.

2016: Waxaa uu ka mid noqday Xildhibaannada lagu soo doortay Hirshabeelle, waxaa hadda loo doortay guddoomiyaha guddiga Dhaqaalaha iyo Ganacsiga.

10. Guddiga Maaliyadda: Guddoomiye Xildhibaan Cali Cabdi Cusmaan, waxaa uu ku dhashay gobolka Bay 1980-kii.

Waxbarashdiisa dugsi sare waxaa uu ka dhameeyay Sheikh Abdisamad Commercial Secondary School, Diploma SIMAD University.

Bachelor of Public Administration uu ka qaatay Jaamacadda Horseed iyo Master of Business Administration uu ka dhameeyay Lincoln University Collage, Malaysia ee Kuala Lumpur.

Dhanka shaqada:

2004-2011: Waxaa uu ka tirsanaa shaqaalaha Jaamacadda SIMAD, waxaa kale ee uu muddo ka shaqenayey hey’adaha aan dowliga aheyn, waxaa ka mid ahaa TIS plus (AECOM), TIS-IOM (Dan Guud) iyo hey’ado kale.

2016: Waxaa uu ka mid noqday baarlamaanka 10aad, waxaa hadda loo doortay guddoomiyaha Guddiga Maaliyadda.

11. Guddiga Dib-u-heshiisiinta: Guddoomiye Xildhibaan Maxamed Cabdi Gaandhi,

Professor Maxamed Cabdi Gaandhi ,waxaa uu waxbasrahada dugsigii sare ka dhameeyay Jamaal Cabdinasir , Deeq waxbarasho ayaa loogu qaaday dalka France, wuxuuna tagey France gaar ahaan jaaamacada Besançon University sanadkii 1972.

Professor Gaandi waxaa shahaado siiyay ururka the International Baccalaureate oo ah urur hogaamiyaasha tacliinta caalamka sharfa xaruntiisuna tahay Geneva, Switzerland.

Professor Gaandi wuxuu kasoo shaqeeyey UNDP Somalia, wuxuu xubin firfircoon ka ahaa ururada u dooda nabadda, waxaa uu madax ka ahaa guddigii farsamada ee shirarkii Carta, Djibouti ee Madaxweyne Cabdiqaasim Salaad Xasan lagu doortay, wuxuuna hogaaminayey ururada bulshada shirkii Kenya ee Madaxweyne Cabdullahi Yuusuf Axmed sidoo kale lagu doortay.

2011: Waxaa uu ku dhawaaqay maamulka Azaaniya isaga oo hoggaamiye ka noqday (2011-2013) kadibna Safiirka Soomaaliya ee Canada(2014), baarlamaanka 10aad ayuu ka mid noqday, hadda waxaa loo doortay guddoomiyaha guddiga Dib-u-heshiisiinta.

12. Guddiga Garsoorka: guddoomiye Xildhibaan Sharif Sheekh Maye,

Sharif Sheekh Maye, 1970 ayuu ku biiray tababar dembi barista una tegay dalka Talyaaniga (Aplicazione die Carabinieri).

Mudadii u dhaxeysay 1985-1987 waxaa uu bartay Financial Law in Rome (Italy) ee Scuola Applicazione dei Scuola Superiore della Plizia Tributaria (Ciidanka illaalinta canshuuraha)

Shaqo:

1980: Waxaa loo magacaabay kuxigeenka xeer illaaliyaha guud ee Maxkamadii Badbaadada Qaranka.

1981-1983: Wuxuu noqday guddoomiyaha maxkamada badbaadada Qaranka ee gobolada Galbeed ee Soomaaliyeed.

2001- wuxuu xubin ka noqday baarlamaankii dowladdii TNG Carte.

Xukuumaddii Maxamed Cabdulahi Farmaajo waxaa uu noqday taliyaha booliiska Soomaaliyeed, waxaa uu ka tirsan yahay baarlamaanka 10aad, hadda waxaa loo doortay Guddiga Garsoorka.

13. Guddiga Xeer-hoosaadka: Guddoomiye Xildhibaan Maxamud Macalin Yaxye,

Xildhibaan Maxamud Macalin Yaxye ,Waxaa uu horay u soo noqday Xildhibaan ka tirsan maamulka koonfur galbeed, waxaa kale uu noqday xildhibaan ka tirsanaa baarlamaannadii 8aad, 9aad iyo midkan 10aad.

Xukuumaddii Cabdiweli Sheekh waxaa uu ka noqday wasiirudowlaha arrimaha gudaha halka xukuumaddii Saacid uu ka ahaa wasiir ku xigeenka arrimaha bulshada.

Baarlamaanka 10aad, waxaa uu loo doortay in uu hogaamiyo Guddiga joogtada ah ee Xeer-hoosaadka golaha shacabka.

14. Guddiga Howlaha Guud: Guddoomiye Xildhibaan Cabdifitaax Ismaciil Daahir, Xildhibaankan Taariikhdiisa wax badan, lagama yaqaano, nooma suurogelin in aan la hadalno, balse dad u dhaw ayaa noo sheegay in uu yahay Macalin Jaamacadeed oo ku nool dala Ingiriiska, waxaa uu ka mid noqday baarlamaanka 10aad, hadda waxaa loo doortay guddoomiyaha guddiga Guddiga Howlaha Guud.

.

.

Xigasho: Goobjoog

________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment