3324 Views

Xulka Soomaliya Iyo Kan South Suudaan Oo Uu Maanta Kulan DH

Xulka Soomaliya Iyo Kan South Suudaan  Oo Uu Maanta Kulan DH
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | Abriil 30, 2017—-Xulalka Soomaaliya iyo Koonfurta Suudaan ayaa galabta cayaaray kulan ka tirsan Koobka CHAN 2017-ka, ciyaartaasi oo aheyd mid xiiso badan oo labada kooxood ay soo bandhigeen ciyaar wanaagsan.

Ciyaartan ayaa waxa ay ka tirsaneyd is reeb reebka CHAN Cup 2017-ka, waxayna ku ciyaareen Garoonka Jubba Stadium ee Magaalada Jubba ee dalka South Sudan.

Guud ahaan Soomaaliya ayaa ka soo hartay Tartankan CHAN Cup, kadib markii lagu garaacay 2 iyo 0 oo ay guusha ku raacday kooxda Koonfurta Suudaan.

22-April 2017 ayay aheyd markii ugu horeysay Taariikhda ay wada ciyaareen Xulalka Soomaaliya iyo South Sudan, iyagoo ku ciyaaray Garoonka xero kubbad ee dalka Jabuuti, xili uu kulankaas ku soo dhamaaday 2-1 oo ay guusha ku raacday xulka dunida ugu yar ee Koonfurta Suudaan, waxaana Tartankan ay wadar ahaan uga soo hartay 4-1.

Xulka Qaranka Soomaaliya ayaa goolkaas ugu mahad celinaysa hoggamiyaha kooxda Dekedda Cabaas Amiin Maxamed, isagoo qeyb ka ah xirfadlayaasha ugu wanaagsan ee xulka Qaranka Soomaaliya.

 

W/Q:-BASHIIR BARRE ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________

 

W/Q:-BASHIIR BARRE ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment