2829 Views

Xilka Hanti Dhowrah Qaranka Oo Maanta Lala Wareegay

Xilka Hanti Dhowrah Qaranka Oo Maanta Lala Wareegay
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | May  07, 2017 —Cali Abuukar Axmed ku xigeenka Koowaad ee Xafiiska Hanti-dhowraha Qaranka ayaa maanta Si KMG ah ula wareegay xilka Hanti-dhowraha Guud ee Qaranka ka dib Xaflad lagu qabtay Muqdisho.

Xafladda ayaa waxaa goob joog ka ahaa Wasiirka Wasaarada Maaliyada, Wasiirka Wasaarada Cadaalada, Wasiir Ku Xigeeno, Agaasime Waaxeedyada iyo Shaqaalaha Xafiiska Hanti-dhowrka Guud ee Qaranka.

Hanti-dhowrihii hore ee Xilka laga qaaday Nuur Faarax Jimcaale ayaa ka maqnaa Xaflada Xil Wareejinta.

Cali Abuukar Axmed oo si KMG ah u heynaya Xilka Hanti-dhowraha Guud ee Qaranka ayaa ugu horeyn ka warbixiyay shaqada Xafiiska Hanti-dhowrka Guud iyo Waajibaadka Saaran ee Dastuuriga ah.

Wasiirka Wasaarada Maaliyada Xukuumada Soomaaliya C/raxmaan Ducaale Bayle ayaa sheegay in ay Maanta fuliyeen soo jeedinta Golaha Wasiirada iyo go’aanka ka soo baxay Xafiiska Madaxweynaha ee ahaa in xilka Hanti-dhowrka Guud lagu wareejiyo Cali Abuukar Axmed.

Wasiirka ayaa kula dardaarmay Masuulka Cusub in uu shaqadiisa ka soo baxo islamarkaana fuliyo howlaha horyaalla.

Wasiirka Wasaarada Cadaalada Xukuumada Soomaaliya Xasan Xuseen Xaaji ayaa sheegay in Xafiiska Hanti-dhowraha Guud looga baahan yahay in howlaha uu u fududeeyo bulshada iyo Hay’addaha kala duwan ee Dowladda.

 

 

 

W/Q:-BASHIIR BARRE ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment