2556 Views

Faahfaahin Dheeraad ah :- Al-Shabaab oo Afduubtay Ciidamo Kenyaan ah

Faahfaahin Dheeraad ah :- Al-Shabaab oo Afduubtay Ciidamo Kenyaan ah
____________________________________________________________________________

Muqdisho  | QOL | May  16, 2017 –Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Weerar xooggan oo Al-Shabaab ay xalay ku qaadeen degaanka Cumar Jillo oo ka mid ah degaanada oo hoos yimaada Magaalada Mandheera ee gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya.

Degaanka la weeraray ayaa 16 Km u jira Magaalada Mandera.

Saraakiil ka tirsan dowladda Kenya ayaa waxa ay sheegeen in dableyda hubeysan ay toogasho ku dileen gudoomiyihii degaanka Cumar Jillo sidoo kalena ay dhaawaceen Askar kale.

Labo Askar oo ka tirsan Ciidamada Booliska Kenya ayay sidoo kale gacanta ku dhigeen dableyda hubeysan ,waxaana la sheegay in ay usoo kaxeysteen dhanka Soomaaliya.

Askari ku sugnaa goobta uu weerarku ka dhacay ayaa Wargeyska the Star ee kasoo baxa Kenya u sheegay” Waxaa ay soo weerareen degaanka waxaa ay toogteen Gudoomiyihii oo ay ku dhufteen lix xabo labo Askarina waa ay Afduubteen ,laakiin aniga waan baxsaday” ayuu yiri mid ka mid ah Askartii Saldhiga joogtay.

Ciidamada ka tirsan kuwa dowladda Kenya oo gurmad ah ayaa gaaray goobta, waxaana hadda halkaasi ay ka wadaan howlgallo.

 

 

W/Q:-BASHIIR BARRE ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment