3228 Views

Maareeyaha Hay’adda Saadaasha hawada ooMaanata gaaray Dalka Talyaaniga

Maareeyaha Hay’adda Saadaasha hawada ooMaanata  gaaray Dalka Talyaaniga
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | May 27, 2017 Maareeyaha Hay’adda Duullista iyo Saadaasha Hawada Somaliyed (SCAMA) iyo wafdi uu hoggaaminayo oo safar shaqo u joogo dalka Talyaaniga ayaa kullamo la qaatay madaxda Hay’adda Duulista iyo saadaasha Hawada wadanka Talyaaniga.

Booqashada Maareeyaha iyo wafdigiisu waxay ku saabsaneyd casuumad ay ka heleen ENAV oo ah Hay’adda duullista iyo Saadaasha hawada Talyaaniga, Wuxuu maareeyuhu kala hadlay tayeynta qalabka & shaqaalaha hawada Soomaaliya.

ENAV waxay ballan qaadeen in ay quburo noo soo diraan iyo tababaro shaqaalaha hawada Somaliya loogu qaado Talyaaniga.

Yuusuf Cabdi Cabdulle Maareeyaha Hay’adda Duullista iyo Saadaasha Hawada Somaliyed, ayaa sheegay inay isla meel dhigeen masuuliyiintii uu la kulmay sidii loo tayeyn lahaa qalabka lagu shaqeeyo.

Shaqaalaha Hawada Somalia, ayaa waxaa la siin doonaa tababaro ku aadan shaqada Duulista hawada Somaliya, sida uu sheegay Maareeyaha Hay’adda Duulista hawada Somaliya.

Waa safarkii ugu horeeyay ee dalka Talyaaniga uu ku tago Maareeyaha Hay’adda Saadaasha hawada Somaliya, tan iyo markii xilkaasi loo magacaabay.

 

W/Q:-BASHIIR BARRE ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________

 

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment