3366 Views

R/wasaare Kheyre oo la shiray saraakiisha ciidamada booliska

R/wasaare Kheyre oo la shiray saraakiisha ciidamada booliska
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | 31 May 2017- Mudane Xasan Cali Kheyre, oo ah R/wasaaraha Soomaaliya, ayaa la kulamy saraakiil ka tirsan ciidamada booliska Soomaaliya, kadib markii uu ugu tagay xaruntooda gaar ah.

Wasiiro kala duwan oo ka tirsan xukuumadiisa ayaa ra’iisul wasaaraha ku wehlinayay booqashada uu ku tagay xarunta ciidamada booliska, waxaana kamid ahaa wasiirka warfaafinta Soomaaliya, kaas oo had iyo jeer ka ag dhaw R/wasaaraha.

R/wasaaraha dalka, saraakiisha ciidamada booliska ee uu la kulmay waxaa ka mid ahaa  taliyaha ciidamada booliska Generaal C/xakiin Daahir Saciid Saacid.

Mudane Khayre ayaa sheegay inuu ka tirsanaan jiray ciidamada Booliska Soomaaliyeed uuna ka hawlgali jiray Saldhiga Degmada Hodan, isaga oo sheegay Booliska inuu yahay ilaaliyaha sharciga iyo Qaranka.

Khayre ayaa ciidamo ka tirsan Booliska waxa ay u soo bandhigeen gaado ka ciyaar iyo salaan sharaf ay ku siiyeen xarunta Taliska ciidamada Booliska Somaliya, halkaas oo ay joogeen Bolis iyo shacbi intaba.

.rw-khayre-booqday-booliska-3 rw-khayre-booqday-booliska-5 rw-khayre-booqday-booliska-4 rw-khayre-booqday-booliska-1 rw-khayre-booqday-booliska-2

rw-khayre-booqday-booliska-7 rw-khayre-booqday-booliska-6 rw-khayre-booqday-booliska-8 rw-khayre-booqday-booliska-9

WQ: Ali Omar Ghedi

_________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment