2808 Views

DAG-DAG-Gaari ay leeyihiin AMISOM Oo Uu dab ku Qabsaday Muqdisho

DAG-DAG-Gaari ay leeyihiin AMISOM  Oo Uu  dab ku Qabsaday  Muqdisho
____________________________________________________________________________

Muqdisho  | QOL | jJune 01, 2017——–,Gaari kuwa qafilan oo ay leeyihiin Ciidamada AMISOM ayaa ku gubanaya agagaarka Isgoyska KM4 ee magaalada Muqdisho, kaddib markii ay soo wajahday cilad dhanka Dabka ah.

Wararka ayaa sheegaya in gaariga uu ka mid ahaa kolonyo ciidan oo ay wateen AMISOM, kaasoo ka yimid dhanka Garoonka Diyaaradaha ee Muqdisho.

Taliyaha Booliska Qeybta Waliyow Cadde Col. Maxamed Dahir ayaa sheegay in gaariga dabka qabsaday uu ka dhashay cilad dhanka dab ah oo aheyd maanso ka kacday gudaha gaariga.

Gawaarida dab damiska ayaa xilligan ka qeyb qaadanaya daminta dabka ka kacay gaariga ay leeyihiin Ciidamada AMISOM.

anaaa

bash 1

bashi 2

W/Q:-BASHIIR BARRE ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment