2463 Views

Dhagayso:-Dowladda oo si kulul uga hadashay howlgalka ka socda Muqdisho

Dhagayso:-Dowladda oo si kulul uga hadashay howlgalka ka socda Muqdisho
____________________________________________________________________________

Muqdisho  | QOL | June 04, 2017 ——owladda Soomaaliya ayaa markale ku hanjabtay in ay sii balaarinayso qorshaha hub ka dhigista ee Magaalada Muqdisho ay ka waddaan ciidamada loogu magacdaray Xasilinta Caasimadda.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta dowladda Soomaaliya Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan Yariiso oo lahadlay Warbaahinta ayaa  waxaa uu sheegay in dowladda Soomaaliya ay ka go’an tahay xasilinta Caasimadda.

Yariisow ayaa sidoo kale hadlay Cabashada ay ka muujiyeen Qaar ka mid ah Siyaasiyiinta Soomaaliyeed ee howlgalka hubka ka dhigista , isagoona ay sheegay in dowladda Soomaaliya ay dadkaasi dhagaha ka fureysan doonto.

Wasiirka ayaa ugu dambeyntii sheegay in dowladda Soomaaliya ay diyaar u tahay in ay muddo ka gaaban ku xasiliso Ammaanka magaalada Muqdisho.

Qaar ka mid Siyaasiinta  sida weyn looga  yaqaano Soomaaliya ayaa siweyn uga soo horjeestay qorshaha

halkan ka dhagayso 

 

 

 

W/Q:-BASHIIR BARRE ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment