4710 Views

Madaxweyne Farmaajo oo soo dhaweeyay Dhismaha Maamulka Banaadir State

Madaxweyne Farmaajo oo soo dhaweeyay Dhismaha Maamulka Banaadir State
____________________________________________________________________________

Muqdisho  | QOL | June 06, 2017 — Magaalada Muqdisho maalmihii lasoo dhaafay waxaa ka socday shirar kala duwan oo ay leeyihiin qaar kamid ah Siyaasiyiinta iyo waxgaradka kasoo jeeda gobolka Banaadir ,kuwaa oo ka arinsanayay sidii loo dhisi lahaa Maamulka Banaadir State, oo in muddo ah soo jiitamaayay.

Muxudiin Xasan Afrax oo kamid ah Siyaasiiina hor boodaya qorshaha lagu dhisayo Maamulka Banaadir State ayaa sheegay in Madaxweynaha Soomaaliya la kulmeen ayna kala hadleen dhismaha Maamulka Banaadir State, la iskuna af-gartay.

Siyaasiga Muxudiin Xasan Afrax, waxa uu sheegay in Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu soo dhoweeyay kuna taageeray dhismaha maamul gaar ah oo uu yeesho gobolka Banaadir, waxa uuna intaa raaciyay in Madaxwenaha uusan u muujin diidmo ama wax qorshaooda ka hor imaanayo.

Mudane Muxudiin Afrax ayaa xusay in Muqdisho ay leedahay xaquuq, ayna lamid noqoneyso maamulada kale ee dalka ka jira, waxa uuna tilmaamay in ay wadaan shirar looga arinsanayo sidii loo dhisi lahaa maamul u gaar ah gobolka Banaadir, si dhaqsa ah.

“Waxaan dooneynaa in Muqdisho ay xuquuq yeelato, dowladdana ay joogto, sida loo kala leexinayo waa farsamo, waxaan kala hadleynaa cid walbo oo ay quseyso arrintani.. madaxweynaha aad iyo aad ayuu usoo dhoweeyay oo maqaamkeeda ay yeelato laakiin wax walbo bilow iyo dhammaad ayeey leeyihiin, laakiinse aragti ahaan wuxuu qabaa waxaan annaga qabno, wuxuu qabaa in Muqdisho ay xuquuqda ay leeyihiin gobollada kale ay leedahay, wuxuuna ballanqaaday in laga wada qeybqaadanayo lana hirgelinayo” ayuu yiri MuxudiinXasan Afrax

Hadalka kasoo yeeray Muxudiin Afrax ayaa imaanaya xili dowlada Dhaxe ee Soomaaliya aysan ku qanacsaneyn qorshahan balse ad moodo in aysan huri karin in ay af u bixiso arrinta Banadir.

WQ:- Ali Omar Ghedi

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment