2490 Views

Dhagayso:- Maamulka Hirshabelle oo ka hadlay dagaal Beleedyada ka jira gobalka Hiiraan

Dhagayso:- Maamulka Hirshabelle oo ka hadlay dagaal Beleedyada ka jira gobalka Hiiraan
____________________________________________________________________________

Muqdisho  | QOL | June 14, 2017—– Iyadoo Dagaal dhimasho iyo Dhaawac Sababay uu Labo maleeshiyo Beelood ku dhexmaya Gobolka Hiiraan Aagga Degmada Maxaas ee Gobolkaasi ayaa waxaa dagaalkaas si kulul uga hadlay Maamul Goboleedka Soomaaliyeed Ee Hirshabelle.

Wasiirka Wasaaradda Be’ada  Maamulka Hirshabelle  C/kariin Nuur Xasan Doob-yare oo la hadlay Qaranimo.com ayaa sheegay in Marka hore ay ka Xun yihiin Dadka Soomaaliyeed ee halkaas ku

Dagaalamay,waxaana uu Xusay in Golaha Wasiiradda Hirshabelle ay Kulan Deg Deg ah ka yeelan doonaan Dagaalka iyo sidii Xal waara looga gaari lahaa.

C/kariin Nuur Xasan Doob-yare ayaa intaas ku daray in Dagaalku uu yahay mid soo laab laabtay,balse Maamulka Hirshabelle uu ku dadaali doono in uusan mar kale dib u soo laaban.

Halkan Ka dhagyso 

.

W/Q:- BASHIIR BARRE ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment