2661 Views

Dastuurka Dalka Oo Labeeniyay In Isbadal Lagu Sameyey

Dastuurka Dalka Oo  Labeeniyay In Isbadal Lagu Sameyey
____________________________________________________________________________

Muqdisho  | QOL | June 17,6. 2017 Wasiirka Dastuurka dowlada Federaalka ah Cabdiraxman Xoosh Jibriil oo ku sugan magaalada Garoowe ee Caasimadda Maamulka Puntland ayaa si kulul u beeniyay in wax ka badalay lagu sameeyay Dastuurka markii la sameeyay kadib.

Cabdiraxman Xoosh Jibriil ayaa beeniyay in wax laga badalay Dastuurka dalka  markii la sameeyay kadib islamarkaana markii la sameenayay uu dalka Raisulwasaare Madaxweyne Gaas, isgaana ahaa wasiir dastuurka Puntland.

” Dastuurkaan Hal mar ayaa waxa laga badalay waxay aheyd 7 September, 2012 aniga MP baan ahaa markaas iyo ku sime wasiir, Cabdiweli Gaas MP iyo ku sime Ra’isla wasaare, Shiikh Shariif MP iyo ku sime madaxweyne, Xasan Shiikh MP kaliya ayuu ahaa, Jawaari kaliya ayaa joogto ahaa oo Speaker loo doortey waxaa la badalay waxay aheyd type error oo dhacey Barlamanka waqtigiisa uu ahaa 4 sano madaxweynahana waxaa uu noqonayaa Shan sano runtii wixii laga soo hadlayey waxay aheyd in labadooda Afar sano ahaadaan, golihii ansaxinta ayaa soo jeediyey qodobkaas wax lag badalo, mooshin Barlamanka ayaa la geeyey gacanta ayaa la taagey kuli wixii Barlamanka ku jirey gacanta ayey wada taageen, qodobka kale ee la badalay waxaa uu ahaa maqaamka caasimada waxaa go’aan laga gaari doonaa Marka dib eegis lagu sameeyo Dastuurka.” ayuu yiri Wasiirka Dastuurka dowlada Federaalka ah Cabdiraxman Xoosh Jibriil.

Wasiirka Dastuurka dowlada Federaalka ah Cabdiraxman Xoosh Jibriil oo haatan ku sugan magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland ayaa wada la tashiyo ku aadan dastuurka Soomaliya, wuxuuna dhawaan gaari doono qaar kamid ah xarumaha Maamul goboleedyadda dalka ka jira.

W/Q:- BASHIIR BARRE ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

____________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment