3528 Views

Wasiir Xoosh oo ka cudurdaartay Baarlamaanka iyo xubnaha oo ka doodaya xilkiisa

Wasiir Xoosh oo ka cudurdaartay Baarlamaanka iyo xubnaha oo ka doodaya xilkiisa
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | July 30, 2017–MGolaha shacabka Soomaaliya ayaa maanta u yeeray Wasiirka Dastuurka Soomaaliya C/Raxmaan Xoosh Jibriil si wax looga weydiiyo hadal uu ka sheegay go’aankii golaha shacabka ee ay ku laaleen kii maxkamadda sare ee Dalka.

Wasiirka ayaa cudur daar u soo gudbiyay golaha shacabka kaas oo sheegaya in uusan maanta hortagi karin,waxaana taas ka biya diiday Xildhibaannada qaar ee Golaha shacabka.

Xildhibaannada ayaa ka doodaya go’aanka ay ka qaadanayaan Wasiirka Dastuurka C/Raxmaan Xoosh Jibriil oo ay hadda falanqeynayaan go’aan ku saabsan xilkiisa.

Wasiirka ayaa batrtiisa Twitterka ku dhaliilay go’aanka golaha shacabka waxaana uu xusay in go’aan Maxkamadeed ay burin karto kaliya Maxkamad kale sidaas darteedna aysan sharci ahayn go’aankooda.

Intaas kaddib 11 Xildhibaan ayaa mooshin ka keenay Xildhibaanka kaas oo ay ku dalbanayaan in uu hortago si ay wax uga weydiiyaan hadalka uu ka yiri go’aanka golaha shacabka.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment