2274 Views

Al-shabaab iyo kuwa Abuu Mansuur oo ku dagaallamaya Bakool

Al-shabaab iyo kuwa Abuu Mansuur oo ku dagaallamaya Bakool
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL |  August 09, 2017 –Wararka naga soo gaaraya degaanka Abal ee Gobolka Bakool ayaa sheegaya in halkaas ay ku dagaallamayaan Ciidamo taabacasan Xarakada Al-shabaab iyo kuwa daac u ah Sh. Muqtaar Roobow Cali.

Dagaalkan waxaa uu billowday kaddib markii Ciidamada Al-shabaab ay xoojiyeen dhaq dhaqaaqooda degaankaas,waxaana ka soo baxaya warar kala duwan.

Dadka degaanka ayaa sheegaya in Ciidamo taabacsan Al-shabaab ay shalay gelinkii dambe soo gaareen degaan u dhow halka uu ku suganyahay Abuu Mansuur oo 18km u jirta degmada Xuddur ee Xarunta Gobolka Bakool.

Ilaa hadda lama helin xog ku saabsan sida ay xaaladda tahay iyo khasaaraha ka dhashay isku dhaca saaka dhexmaraya Ciidamada kala taabacsan Al-shabaab iyo  Abuu Mansuur.

Maamulka Koofur Galbeed ayaa horay u sheegay in haddii AL-shabaab ay weeraraan Abuu Mansuur ay ka difaaci doonaan iyaga oo intaas ku daray in 300 Askari oo maamulkaas ka tirsan ay u diyaariyeen in ay Al-shabaab ka difaacaan ABuu Mansuur.

Mareykanka ayaa dhawaan Abuu Mansuur ka qaaday lacag abaalgud ah oo loo ballan qaaday qofkii horseeda xog lagu xiri karo ama lagu dili karo Abuu Mansuur,waxaana soo baxayayy warar sheegayay in Abuu Mansuur iyo Dolwadda Soomaaliya uu wadahal u socdo.

 

 

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment