3129 Views

Sawiro:-shir looga hadlayaya hubinta tayada badeecadaha dalka soo gasha oo Muqdisho ka dhacay

Sawiro:-shir looga hadlayaya hubinta tayada badeecadaha dalka soo gasha oo Muqdisho ka dhacay
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL |  August 09, 2017 – Shir ballaaran oo looga hadlayay arrimo la xiriira sidii loo hubin lahaa tayada badeecada ganacsi ee la keenayo dalka Soomaaliya ayaa maanta ka dhacay magaalada Muqdisho, kaasi oo ay soo qaban qaabisay wasaaradda ganacsiga iyo warshadaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Waxaa ka qeybgalay shirkaasi Qaar ka mid ah Golaha Wasiirada Xukuumadda Soomaaliya gaar ahaan wasaaradaha ay arintaasi quseyso,Guddoomiyaha Gobalka  Benaadir, Agaasimaha gudd ee wasaaradda ganacsiga iyo warshadaha C/llaahi Xayir Ducaale iyo masuulayiin ka tirsan shirkadda hubinta tayada badeecadaha ee  PGM oo laga leeyahay dalka Turkiga.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Taabid Cabdi Maxamed,ayaa sheegay in ay talaabadan ay qaaday wasaarada ganacsiga ka maamul ahaan ay bogaadinayaan isagoo intaasi ku daray in ay tahay arrin muhiimadeeda leh

Fowsiya Abiikar Nuur, Wasiirka Caafimaadka iyo Wasiirka Ku_xigeenka Wasaaradda Maaliyada,Prof Abdullahi Sheekh Cali Ibraahiim Qaloocow ,Ayaa  siwada jir ah u sheegey in guul ay u tahay Dowladda Soomaaliya qorshahan lagu ogaanayo tayadda badeecadaha Soomaaliya soo gala.

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumada Soomaaliya Qadro Axmed Ducaale  ayaa faafahin ka baxiysay shirkan.

“Waxaan shirkani isgu yeernay mas’uuliyiintani sidii looga wada shaqeyn lahaa in la hubiyo tayada badeecada ganacsi ee soo galaysa Soomaaliya, ujeedadeenu waa in la helo dal caafimaad ahan bad qaba, in aan ka tagno mustaqbal wanaagsan, waxkastana ay yihiin qadro axmed ducaalemuhiimadad shir sidii nabad iyo nolol wdan caafimaad katagno, hubin badeeco, waxaan iufgu keeney in ay wax la ogyahay”, Ayay tiri Wasiir Qadro.

01 02 03 04 04

 

afiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________

 

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment