2541 Views

Shirkii lagu diyaarinayay Istiraatiijiyadda Waxbarashada Madaniga ee dib-u-eegista Dastuurka oo soo xirmay

Shirkii lagu diyaarinayay Istiraatiijiyadda Waxbarashada Madaniga ee dib-u-eegista Dastuurka oo soo xirmay
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | August 10, 2017 – Shirkan oo ahaa mid ay qabanqaabisay Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya islamarkaana ay ka soo qaybgaleen xubno ka socday Dawlad Goboleedyada iyo Ururada Bulshada Rayidka ee dalka ayaa maanta soo gabagaboobay kadib afar cisho oo uu ka socday magaalada Muqdisho.

Ujeedka shirka ayaa ahaa in lagu diyaariyo Istiraatiijiyaddda Waxbarashada Madaniga, Wacyigelinta Dadweynaha, iyo Latashiyada Dadweynaha ee Geedi-socodka dib-u-eegista Dastuurka.

Kadib afar maalin oo maskax shiil ah, Wasaaradda ayaa talooyin wax ku ool ah ka heshay dhamaan ka qaybgalayaasha oo loo qaybiyay koox-koox si ay u lafa-guraan mowduucyadii loo dhiibay.

Shirka ayaa waxaa soo xiray Wasiir Ku-Xigeenka Wasaaradda Mudane Dr Xuseen Cilmi, isaga oo uga mahadceliyay ka qaybgalayaasha sida ay waqtigooda u geliyeen shirka.

Ugu dambayn, Wasiir Ku-Xigeenka ayaa ballanqaaday in talooyinki shirkan ka soo baxay ay noqon doonaan kuwo ay ku hawlgasho Wasaaradda islamarkaana qayb wayn ka qaadan doona Geedi-socodka dib-u-eegista Dastuurka.

waxbarashada-madaniga-4 waxbarashada-madaniga-3 waxbarashada-madaniga-2 waxbarashada-madaniga-1

.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment