2670 Views

MD Farmaajo oo Baaq u diray shacabka Soomaaliyeed

MD Farmaajo oo Baaq u diray shacabka Soomaaliyeed
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | 11ka Ogosto, 2017 – Madaxweynaha JFS Maxamed C/llaahi Maxamed “ Farmaajo “ ayaa Shacabka Soomaaliyeed ka dalbaday iney ka qeyb qaataan taakuleynta iyo niyad dhiska Ciidamada Dowladda.

Madaxweynaha ayaa sheegay in ay muhiim tahay in shacabka Soomaaliyeed ay hada ka faa’iideystaan fursada la heysto ee ah taakuleynta, niyad dhiska, qalabeynta iyo hormarinta Ciidamada.

Waxa uu xusay in dowladda uu hogaamiyo ay xooga saari doonto ka shaqeyntaa sugida amniga guud ee dalka iyo Xasiloonida.

Farmaajo ayaa sidoo kale sheegay in si wadajir ah loogu shaqeyn doono sidii loo soo celin lahaa kalsoonida ka dhaxeysa Shacabka iyo Ciidamada.

Shalay ayay ahayd markii Madaxweynaha JFS Maxamed C/llaahi Maxamed “ Farmaajo “ uu la kulmay Guddiga Taakuleynta Ciidamada Qalabka Sida

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment