2547 Views

Maxay ka tiri Wasarada Amniga qaraxii xalay ee Muqdisho ?

Maxay ka tiri Wasarada Amniga qaraxii xalay ee Muqdisho ?
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | 11ka Ogosto, 2017 – Afhayeenka Wasaaradda Amniga dowladda Soomaaliya Axmed Maxamed Maxamuud ayaa sheegay in ciidamada dowladda ay fashiliyeen Qaraxii xalay ka dhacay Magaalada Muqdisho.

Waxaa uu sheegay in Qaraxaasi la doonaayay in lagu dhibaateeyo Shacabka Soomaaliyeed ee Muqdisho kunool.

 Qarax loo adeegsaday Gaari walxaha Qarxa laga soo buxiyay ayaa fiidnimadii xalay ka dhacay Wadada Maka Al-mukarama ee magaalada Muqdisho, gaar ahaan ka soo horjeedka Carwo Al-kowther.

Saraakiisha ammaanka ayaa sheegay Gaarigan Qarxay in ay markii horeba ka war hayeen, uuna halkaasi soo dhigay ninkii waday, kana cararay markii ay ogaadeen Ciidanka ammaanka, kadibna lahakiyay dhaqdhaqaaqa wadadaasi, sidaasina uu ku Qarxay.

Hay’addaha ammaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa kordhiyay hawlgalada suggida ammaanka caasimadda, si looga hortago weerarada iyo Qaraxyada Al-shabaab ay ka geystaan magaalada Muqdisho.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment