2601 Views

Ra’isalwasaare Kheyre iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle OoMuqdisho Kulan Kuleh

Ra’isalwasaare Kheyre  iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle OoMuqdisho Kulan Kuleh
____________________________________________________________________________

Muqdisho August 19, 2017 Guddoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Hirshabeelle Cismaan Barre Maxamed ayaa xalay Magaalada Muqdisho kula kulmay Ra’isalwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre.

Kulanka labada Nin waxaa uu yimid kaddib markii Wafddi ka socday Dowladda Federaalka ah oo Khamiistii gaaray Jowhar ay soo laabteen.

Wasiirrada Arrimaha gudaha,Waxbarashada iyo Amniga ayaa gaaray magaalada Jowhar Khamiistii,waxaana ay kulan la qaateen dhinacyada uu u dhaxeeyo Khilaafka Siyaasadeed ee kuwada sugan Jowhar.

Markii ay Wasiirrada dib ugu soo laabteen Muqdisho ayaa waxaa loo yeeray Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirashabeelle,waxaana kulankooda kaddib la filayaa in ay dowladdu ka hadasho khilaafka ka jira Jowhar.

Warar soobaxaya waxaa ay sheegayaa in maanta ama Berri ay Dowladda Federaalka ah ku dhawaaqeyso go’aanka ay ka qaadaneyso xiisadda siyaasadeed ee ka taagan Magaalada Jowhar una dhaxeysa Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Cabdullahi Cosoble oo ay Xildhibaannada sheegeen in ay xilka ka qaadeen iyo Xildhibaannada iyo xildhibaannada sameeyay xilka qaadista.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment