2160 Views

Ciidamada dowladda oo Gaari laga shakiyay Gacanta Ku Soo Dhigay

Ciidamada dowladda oo Gaari laga shakiyay Gacanta Ku Soo Dhigay
____________________________________________________________________________

Muqdisho August 20, 2017-Gaari looga shakiyay in ay saaranyihiin walxaha qarxa ayaa lagu arkay Iridda Galbeed ee Jaamacadda Umadda Soomaaliyeed oo ku taalla Degmada Xamarweyne.

Ciidamada ayaa saakadii hore xiray Waddooyinka ka adhow goobtaas waxaana ay dadka amrayeen in ay ka wareegtaan goobta qaraxa looga shakisan yahay.

Waxaa loo yeeray Ciidamada u tababaran miina baarista kuwaas oo baaritaan ay Gaariga ku sameeyeen kaddib ka waayay walxaha qarxa.

Ciidamada ayaa dib u fasaxay Waddooyinka u dhow Jaamacadda waxaana Gaariga oo uu noociisa ahaa Spacia ka qaaday Ciidamada Dowladda ee markii hore isku gedaay.

Isku socodka dadka iyo Gaadiidka ayaa sidii hore ku soo laabtay,waxaana dadka ay ihiin kuwo adeegsanaya waddada hadda kaddib markii ay Ciidamada dib u fureen.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment