4875 Views

QM Oo Arin Horleh Ka Dhawaajisay

QM Oo Arin Horleh Ka Dhawaajisay
____________________________________________________________________________

Muqdisho August 20, 2017–Iyada oo shalay Adduunka laga xusayay maalinta shaqaalaha gargaarka Adduunka,waxaana warbixin ay soo saartay ku sheegtay in ay hoos u dhaceen weerarrada ka dhanka ah shaqaalaheeda Soomaaliya.

Isku duwaha arrimaha gargaarka Qaramada Midoobey Peter de Clercq,ayaa sheegay in ay Sanadkii la soo dhaafay dhaceen 100 shil oo 4 ka mid ah shaqaalaha Qaramada Midoobey ay ku dhinteen.

Waxaa uu sheegay in Shaqaalaha Qaramada Midoobey ee Soomaaliya qeybtooda Caafimaadka,iyo gargaarka ay sameyn taban ku yeesheen khilaafaadka ka jira Soomaaliya,la xaday Daawo iyo raashin gargaar.

Waxaa uu ka hadlayay munaasibadda xuska maalintaas,waxaana uu intaas ku daray in shaqaalaha Qaramada Midoobey ee Soomaaliya ay la kulmeen xarig iyo in laga diiday  meelaha qaar oo ay baahi ka jirtay,taas oo uu ku tilmaamay mid aan la aqbali Karin.

De Clercq ,ayaa shaqaalaha Qaramada Midoobey ku boorriyay in ay sii wadaan samafalka iyo howlaha gargaarka ah ee Soomaaliya ,isaga oo ugu baaqay in ay dul qaad u yeeshaan qataraha iyo hanjabaadda ka dhanka ah, bartilmaameedkoodana uu noqdo kaliya caawinta dadka dhibaateysan.

Waxaa uu sheegay in shaqaalaha Qaramada Midoobey aysan kaliya la kulmin dil,dhaawaca iyo afduub ee ay sidoo kale waxyeello ka soo gaartay qaraxyada ka dhacaya Soomaaliya.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment