2697 Views

Warar dheeraad ah oo ka soobaxaya qaraxayo is xig-xiga oo ka dhacay Muqdisho

Warar dheeraad ah oo ka soobaxaya qaraxayo is xig-xiga oo ka dhacay Muqdisho
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL |  22  August 2017 — Qaraxyadaan oo daqiiqado kala horeeyey ayaa lasoo sheegayaa in ay geysteen Khasaare soo gaaray ciidankii AMISOM ee la qarxiyey iyo Gawaarigii ay la socdeen.

Qaraxa 1-aad ayaa la sheegayaa in uu qabsaday mid kamid ah gawaarida Ciidamada AMISOM oo xiligaasi ku socdaalaye wadada udhaxeysa Isgoysyada Ex Control Balcad iyo SOS, kolkii Qaraxa uu dhacay ayee ciidamada AMISOM istaageen gaawirdooda halkii qaraxa uu ku qabsaday.

Ciidamada kolkii ay gawaarida ka degeen ayaa lasoo sheegayaa in uu qarax kale goobta uu dhacay, Goob joogayaal ayaa Qaranimo Online u sheegay in ay arkayeen Ciidamo katirsan AMISOM oo dhaawacyo soo gaaray iyadoona ay xigtay Uuro isku qarisay halka qaraxyada ay ka dhaceen.

Labo kamid ah Ciidankii AMISOM ayaa dhaawac soo gaaray, waxayna ciidamada Midowga Afrika ay Xireen wadada Ex Control iyo SOS isku xirta, Waxaana la maqlayaa Rasaas Ciidamada AMISOM ay ridayaan inkastoo aanan lasoo sheegeen Waxyeelo ay geysatay.

Ciidamada Dowladda oo fariisin ku leh Qabuurihii Talyaaniga oo isgoyska SOS udhaw ayaa usoo gurmaday Ciidamada AMISOM, waxayna la wadaan baaritaano la xiriira Shaqsiyaadka looga shakin yahay Qaraxyadaasi is xig xigay.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________

 

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment