2601 Views

Ciidamo booliis ah oo tababar looga furay Muqdisho

Ciidamo booliis ah oo tababar looga furay Muqdisho
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | August 24, 2017 – Magaalada Muqdisho shalay oo Arbaco ahayd waxaa ka furmay tababar soconaya muddo 1o Maalmood ah oo la siinayo qaar ka mid ah Booliska Soomaaliyeed.

Tababarkan waxaa uu ku saabsan yahay hanaanka ka hortagga Argagixisada iyo xuquuqda Carruurta waxaana ka qeybgelaya Boolis Soomaaliyeed oo Rag iyo Haween ka kooban.

Christopher Kashita; oo ah Tababare ka tirsan AMISOM,ayaa sheegay in tababarkan oo ay fududeyneyso Qaramada Midoobey sidoo kale ujeedadiisu tahay xoojinta tayada Booliska Soomaaliyeed.

Waxaa uu sheegay in Tababarka oo labo nooc ah uu midi yahay hanaanka ka hortagga Argagixisada,xirfadaha loo fuliyo howgallada lagu ugaarsanayo Argagixisada,halka midka 2aad uu yahay badbaadinta biri ma geydada sida Haweenka iyo Carruurta ku nool degaannada ka soo kabanaya colaadaha ee ay Booliska Soomaaliya ka howlgelayaan.

Tababarka ayuu sheegay in lagu doonayo in lagu xoojiyo Booliska Soomaaliyeed,dib loogu howlgeliyo laguna horumariyo,isaga oo intaa ku daray in arrintan ay muujineyso sida AMISOM uga go’antahay dhismaha Booliska Soomaaliyeed.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

__________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment