3729 Views

Amarro lagu soo rogay dadka hubka ku wata Cadaado

Amarro lagu soo rogay dadka hubka ku wata Cadaado
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | September  3, 2017 –Taliska ciidamada Xooga dalka Qaybta 21-aad ayaa soo saaray amaro la xiriira adkeynta ammaanka guud ee Magaalada Cadaado ee xarunta KMG u ah Maamulka Galmudug.

Amarkaan soo baxay ayaa wuxuu ka dambeeyay, kadib markii kulan ay isugu yimaadeen Saraakiisha ammaanka Maamulka Galmudug, kulankaasi oo ka dhacay Magaalada Cadaado.

C/llaahi Aadan Xuseen (Cirro) oo ah Taliyaha qaybta 21-aad ee Ciidamada Xoogga Dalka ayaa sheegay in ay ku dadaalayan xaqiijinta ammaanka iyo yareynta hubka gudaha magaalada lagu dhex qaato.

Taliyaha ayaa sheegay in aanan la arki karin qof hub ku dhex wata Magaalada gudaheeda, Ciidamada xittaa laga xakameynaayo hubka ay isaga dhex wataan Magaalada Cadaado.

Sidoo kale Taliyaha Qaybta 21-aad ee Ciidamada Xoogga Dalka C/laahi Aadan Xuseen Cirro ayaa shacabka Magaalada Cadaado ugu baaqay in ay la shaqeeyaan Ciidamada ammaanka si loo xaqiijiyo ammaanka guud ee magaalada.

“Dadka waxaan kula talinaynaa in qoryahooda ay ka xareystaan Magaalada Cadaado, cid aanan aheyn ciidanka hub looma ogola, ciidanka laftooda laga yeeli mayo inay hubka isaga dhex wataan Magaalada gudaheeda, Sidoo kale wadooyinka Galmudug gudaheeda cid sida ay rabto ka yeeli karto malahan, ciidanka NISA iyo Daraawiishta ayaa laga rabaa inay amniga ka shaqeeyaan, anagana waan caawinaynaa.” Ayuu yiri Taliyaha qaybta 21-aad ee Ciidanka Xoogga dalka.

Magaalada Cadaado oo ah meel ammaankeeda uu wanaagsan yahay, ayaa dhibaatada kaliya ee ka taagan Magaalada waxa ay tahay in aanan la kala saari Karin ciidanka iyo shacabka hubka haysta.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

____________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment