2562 Views

AMISOM oo la wareegtay amaanka hoolka doorashada Madaxweynaha Cusub ee Hirshabeelle.

AMISOM oo la wareegtay amaanka hoolka doorashada Madaxweynaha Cusub ee Hirshabeelle.
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | September  5, 2017 — Wararka naga soo gaaraya Magaalada Jowhar ee Xaruta Maamulka Hirshabeelle ayaa soo sheegayo in maanta Ciidamada AMISOM si rasmi ah loogu wareejiyay ammaanka Hoolka Doorashada Madaxweynaha Hirshabelle oo dhici doonto 7 maalmood kadib sida ku cad Jadwalka doorashada.

Xubno ka tirsan Guddiga Doorashada Madaxweynaha Hirshabelle, ayaa sheegay in maanta oo talaado ah si rasmi ah ammaanka hoolka loogu wareejiyay ciidamada AMISOM lagana wareejiyay Ciidankii Dowlada ee halkaasi ku sugnaa.

Doorashada Madaxweynaha Hirshabelle, ayaa waxa ay dhaceysaa 12-ka Bishan, waxaana ka dhiman oo kaliya muddo todobaad ah, iyadoo xubnaha Musharaxiinta ay gaarayaan Magaalada Jowhar.

Ilaa hadda ma jirto qof loo saadaalin karo Murashaxiinta u tartamaysa xilkaasi, waxaana ku jira xubno ku cusub siyaasadda iyo kuwo waqti badan ku soo qaatay Siyaasadda.

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment