2580 Views

Qarax Ka Dhacay Duleedka Muqdisho

Qarax Ka Dhacay Duleedka Muqdisho
____________________________________________________________________________

Muqdiaho | QOL | October 1, 2017—–Wararka naga soo gaaraya duleedka Magaalada Muqdisho gaar ahaan degaanka Garasbaalay ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi Qarax lagula beegsaday Sarkaal ka tirsan ciidamada Milatariga Soomaaliya.

Qaraxa ayaa ahaa Miinada dhulka lagu Aaso, waxaana la sheegay in Sarkaalkaasi oo lagu magacaabo Labo Afle uu ka badbaaday Qaraxa,laakiin ay waxyeelo soo gaartay Askartii la socotay.

Mas’uuliyiinta degaankaasi ayaa Qaranimo Online  u sheegay in ciidamada la qarxiyay ay kusoo jeedeen Magaalada Muqdisho.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

__________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment