9912 Views

Xiriirka Dhaqaale Ee Turkiga Iyo Somaliya Oo Sare u Kacay Bilihii Ugu Danbeeyey

Xiriirka Dhaqaale Ee Turkiga Iyo Somaliya Oo Sare u Kacay Bilihii Ugu Danbeeyey
____________________________________________________________________________

Muqdiaho | QOL | October 1, 2017—–Sanadkii 2011kii waa markii uu si rasmi ah u billowday xiriirka dhinacyada badan leh ee Soomaaliya iyo Turkiga kaddib Cismaaniyiintii.

Dowladda Turkiga ayaa xilligaas billowday howlo Samafal ah iyada oo Soomaaliya ay ka jirtay mid ka mid ah abaaraha ugu darnaa ee soomara Soomaaliya.

Ra’isalwasaarihii hore ee Turkiga haddana ah Madaxweynaha Rajab Dayib Erdogan ayaa booqashi ku yimid Muqdisho dhamaadkii August 2011kii,waxaana wixii xilligaas ka dambeeyay billowday maalgashiga siyaasad,dhaqaale,diblomaasi,xiriir,walaalnimo iyo iskaashi ee labada dal.

Madaxweyne Erdogan waxaa uu daaha ka rogay mugddiga dunida ka saarnaa Soomaaliya inkasta oo kuwo badan oo markii horeba ogaa aanay halkooda soo dhaafin,waxaana uu Muqdisho ka billaabay bixinta gargaar loogu talagalay dadka ay abaaraha saameynta taban ku yeesheen,dhismaha Dugsiyo waxbarasho,Isbitaallo,waddooyin iyo mashaariic kale oo horumarineed oo ay ka mid tahay nalaynta waddooyinka Muqdisho ee uu dib u dhiska ku sameeyay.

Turkiga waxaa uu Muqdisho ka dhistay safaaradda ugu weyn ee uu ku leeyahay Caalamka,waxaa sidoo kale shalay xarigga laga jaray saldhigga milatari ee ugu weyn Turkiga ee uu ku leeyahay meel ka baxsan dalkiisa.

Warbaahinta Caalamka iyo khubarada ay u adeegsadaan falanqeynta xaaladahan ayaa aad u hadalyahay dhaq dhaqaaqa sii kobcaya ee Turkigu ka wado Soomaaliya,waxaana waxyaabaha la hadal hayo ka mid ah in Turkiga wado adeegsiga awoodaha fudud iyo adage e ay kala adeegsadaan China iyo Mareykanka.

Halka aan u soconno oo ah dhinaca dhaqaalaha,waxaa uu Wargeyska South China Morning Post ka qoray maqaal uu ku falanqeynayay xiriirka Ganacsi ee Turkiga iyo Soomaaliya gaar ahaan waxyaabaha Turkiga u dhoofiyo Soomaaliya.

2010kii xiriirka Ganacsi ee Turkiga iyo Soomaaliya waxaa uu ahaa mid aan cagabadneyn,waxaana uu gaarayay $5.1Milyan oo dollar Sanadkiiba,halka manta uu marayo $123 Milyan oo doolarka Mareykanka ah.

Lix Sano ka hor Waddamada Turkga wax ka dhoofsada Soomaaliya waxaa ay uga jirtay kaalinta 20aad,manta waxaa ay ku jirtaa kaalinta 5aad.

Taas oo ka dhigay in xiriirka dhaqaale ee Soomaaliya iyo Turkiga uu ku socdo xawaare aad u sarreeya,waxaase Soomaaliya heysata mushkilad ah in aanay Turkiga u dhoofin badeeco la eg midda Turkiga laga keeno,taas oo dhaawac ku ah dhaqaalaha Soomaaliya.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

__________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment