3522 Views

Kulan Ka Dhan ah Shariif Xasan Sheekh Aadan Oo Muqdisho Ka Dhacay

Kulan Ka Dhan ah Shariif Xasan Sheekh Aadan Oo Muqdisho Ka Dhacay
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | October 11, 2017  – Xildhibaanada Maamulka KGS ayaa manta shir ay kuqabteen,Magaalada Muqdisho kusoogudbiyay warbixino la xiriirira Maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya  iyaga Oo gogol u dhigay Siyaasiyiinta, Odayaasha.

dhaqanka,bulshada rayidka, haweenka iyo dhalliyaradaka soo jeedagobollada Maamulka Koofur Galbeed, xildhibaanada Ayaa wax ay kawarrameen siyaasada guud ee Madaxweyne Shariif Xasan Shiikh Aadan intii uu xilkahayay, iyo

horumar la’aanta Ka Taagan Gudaha Maamulkaasi , Dhanaka Kale Xildhibaanada Maamulkaasi Ayaa wax ay kahadleen Xalada arrimaha bulshada , nabadgelyada, maamulxumada, musuqmaasuqa baahsan Ee Hareeyey Xafiisayada Maamulkaasi  iyo kutakrifalka awoodaha xafiiska madaxweynaha Maamulka Koon Fur Galbeed Soomaaliya Ugu Horeeyntii Waxaa Ka Hadalay Munaasabada.

Xildhibaan Cali XasanCusmaan oo ka midah mudanayaasha Baralamaanka  KGS ayaa aad uga hadlay dhamaan qodabada dastuurka ah ee  uu jebiyayMudane Shariif Xasan, sheegayna in Aysan u dulqaadan Karin intaanka dib, ayna diyaar u yihiin in ay xilkakaqaadaan Sh. Xasan isag oo sheegay in ay 94 xildhibaan kusaxiixeen mooshinka  la xisaabtan ah oo la horgaynayo      baarlamaanka KG 17ka bishan.

Sidoo Kale Waxaa Goobta Ka Hadashay Xildhibaan Amiin iyada Oo Sheegtay In  mundane shariif Xasan xafiiskiisu yahay diyaarad dusheeda uuna dankalahayn bulshada uu hogaamiyo sidaadarteena la gaaray xiliigii uu bixilahaa .Waxaa Sidoo Kale Hadalka  Ayaa Qaatay.

Xildhibaan Dhubbad isaga  Oo hadlaya rrimaha bulshada, abaaraha iyo barakacayaasha kunool magaalada Baydhaba iyo sidamaamulka Shariif ugu xadgudabayo dadka  tabalaysan iyag oo iibsanaya macaawinadii loogu talogalay dakaatabaalaysan, xildhibaano farabadan ooka soojeeda KG ayaa aad  ugu nuuxnuuxsaday dhibaatada weyn ee kataagan gobolka iyo in la gaaray xilligii Shariif Xasan laga qaadi lahaa xilka uu kuqaatay sida aan waafaqsanayn sharciga.

Wasiirkii hore Dastuurka mudane Carraale ayaa aad uga hadlay oo shaki weyn geliyay sharciyadda uu ku joogo Mudane Shariif, wasiirka wuxuuyiri“madaxweynaha ergo ayaa dooratay, dastuurkana 60 cashoayuu u oggolaan in uu baarlamaan ku soodhiso kadibna baarlamaanka dib u doortooo la xalaaleeyo, maadaama sadex sano  ka Soo wareegatay Xiligii Ladoortay oo uu san baarlamaanka kalsooni weydiisan uuna yahay madaxweyne aan sharci ahayn, uguna baaqayo Gudoomiyaha baarlamaanka koofurgalbeed in uu guddi doorasho sameeyo si loo doorto madaaxweyne cusub sida ugu dhakhsiyaha badan”.

Xildhibaan Abdifataax Geeseey ayaa aad uga hadlay taariikhda lagu dhisay maamulka     koofurgalbeed iyo sida aan loo gafaa’iidaysan muddadii xilka uu haya Shariif Xasan, mudane C/Fitaax  Geeseey wuxuu sheegay in Shariif xasan dowladda KG soo dhaafin waayay airporka Baydhaba, lanashaqeynayaanilaa ay kagutaanwaajibaadkoodadastuuriga ah, kaasoo ah inay la xisaabtamaanmadaxdafashilka ah.

 Ugudanbayn waxaa halkaan lagaa khriyay war murtiyeedka kulifaaqan halka hoose:

DSC_0168DSC_0246

DSC_0247

DSC_0070

DSC_0114

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment