2322 Views

Iraan Oo Sheegtay In Kalluumeysatadeeda Sharci Darro Doogu Dilay Somaliya

Iraan Oo Sheegtay In Kalluumeysatadeeda Sharci Darro Doogu Dilay Somaliya
____________________________________________________________________________

Muqdisho  | QOL |  12  Oktoobar, 2017 –Dowladda Iraan ayaa ka hadashay dil dhawaan Ciidamada ilaalada xeebaha Maamulka Puntland ay u geysteen Kalluumeysato Reer Iraan ah oo lagu eedeeyay in ay si sharci darro ah uga kalluumeysanayeen biyaha Soomaaliya.

Ali Asghar Mir-Shekari, oo ah guddoomiye ku xigeenka Amniga Gobolka Balochestan,ayaa sheegay in Kalluumeysata Iraan ee dilka dhaawaca iyo xariga la isugu daray ay ruqsad u heysteen in ay ka kalluumeysan karaan waxaana ay ka heysteen Gobolka Sistan iyo  Balochestan ee Dalka Iraan.

Waxaa uu sheegay in Iraan ay ka mid tahay 33-da Dal ee ku jira Ururka IOTC,kuwaas oo fasax u heysta in ay ka kalluumeystaan Galbeedka Hindiya.

 Waxaa uu sheegay in  1,200km meel ka fog biyaha Iraan  ay rasaas kula kulmeen,islamarkaana ay sababtay in uu dhinto Kabtankii waday Doonta ay la socdeen 18 Iraaniyiin ah.

Waxaa uu falkaas ku tilmaamay mid sharci darro ah,waxaana uu Dowladda Soomaaliya ku eedeeyay in ay geysatay jdil aan sharci ahayn.

Wasaaradda arrimaha dibadda Iraan ayuu sheegay in kiiskan ay dabagal ku sameyn doonto oo Kalluumeysatada ay iyada jawaab ka sugayaan.

Ciidamada Maamulka Puntland ayaa hadda gacanta ku haya 17 Maxaabiis oo uu midi dhaawacyahay,halka Kabtankii Markabkana uu geeriyooday.

Puntland waxaa ay sheegtay in Doontaan ay saaranyihiin in kabadan 2Tan oo Kalluunka Soomaaliya ah oo sharci darro ay Kalluumeysatada Iraan uga jillaabteen Xeebaha Soomaaliya.

Dalka Iraan waxaa uu safka hore uga jiraa Waddamada ay Hay’adda Badaha Caalamiga ah ku sheegtay in si aan sharci ahayn Kalluumeysi uga sameyso Soomaaliya,kaas oo Sanadkiiba laga sameeyo $300Milyan oo doollarka Mareykanka ah.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment