2151 Views

Ciidamada Dowladda Oo Isga Soobaxay Bariire

Ciidamada Dowladda Oo Isga Soobaxay Bariire
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | 14 October 2017 –Wararka ka imaanaya Deegaanka Bariire ee Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in Ciidamada Dowladda ay dib ugu soo baxeen Deegaanka Bariire, wararku waxa ay intaa sii raacinayaan in Ciidamada Dowladda ay xalay kasoo baxeen Deegaankaasi inkastoo aanan la sheegin sababaha.

Ilo wareedyo ayaa Qaranim Online u sheegay in Gelinkii dambe ee shalay Ciidamada Dowladda ay bilaabeen dib ugu soo gurashada Deegaankaasi, waxayna intaa kusii dareen Xalay Xili dambe ay guud ahaan Bariire isaga soo baxeen.

Ciidamo katirsan Al-Shabaab ayaa Goordhaw gaaray Deegaanka Bariire oo ay isaga soo baxeen Ciidamada Dowladda, Al-Shabaab ayaa Barahooda ku sheegtay in si nabad galyo ah ay ula wareegeen Deegaanka Bariire sida ay hadalka u dhigeen.

Waxa ay sheegeen in Ciidamooda oo gaaraya Boqolaal ay Magaalada Guud ahaan iyagu la wareegay, Saldhigii Ciidamada Dowladda ayeena sheegeen in ay ku sugan yihiin sida ay sheegeen.

29-kii September 2017-ka Deegaanka Bariire waxaa ka dhacay Dagaal u dhaxeeyay Ciidamada Dowladda iyo Al-Shabaab, Waxayna Al-Shabaab sheegeen in Dagaalkaasi ay ku dileen Ciidamo ka badan 50-askari isla markaana ay qaateen Gaadiid iyo Hub ay ku qabsadeen Dagaalka sida ay hadalka u dhigeen.

Dowladda Soomaaliya wali kama hadlin Ciidamada ka baxay Deegaanka Bariire, Waxaana bixitaanka Ciidamada Dowladda kaga horeeyey Ciidamadii Mareykanka ahaa ee ku wehliyey Howlgalkii ay Deegaankaas kala wareegeen Al-Shabaab.

 

W/Q:-Bashiir Barre Ali 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment