3303 Views

Farmaajo Oo Ku Dhaqaaqay Fal Ku Farxeen Shacabka Soomaaliyeed

Farmaajo Oo Ku Dhaqaaqay Fal Ku Farxeen Shacabka Soomaaliyeed
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | 16 October 2017 –Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa booqday xarunta Gurmad-Qaran ee loogu tala galay in ay ka shaqeyso samatabixinta dadkii ku waxyeeloobay Qaraxii Soobe.

Markii halkaasi uu gaaray Madaxweyne Farmaajo,waxaa uu la kulmay Shaqaalaha halkaasi ka howlgalaya oo ah dhalinyaro si tabarucaad ah ku shaqeynaya.

Waxaa uu booqday qeybta qabashada telefoonada dadka raadinaya dadkooda, isaga ayaana ka qabtay oo ka qoray dadka ay raadinayeen, iskuna sheegay qofka soo wacay inuu Madaxweynaha qaranka ka diiwaan geliyey qofka uu raadinayo.

Wali waxaa Magaalada Muqdisho ka socota howlaha loogu gurmanaayo dadkii ay waxyeeladu kasoo gaartay Qaraxii Zoobe.

002 001

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment