2952 Views

Khud Badihii ugu saameenta badnaa ee maanta laga Jeedshay Caleemasaarka HirShabelle

Khud Badihii ugu saameenta badnaa ee maanta laga Jeedshay Caleemasaarka HirShabelle
____________________________________________________________________________

Jowhar   | QOL |  22  October 2017 – Magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellaha Dhexe maanta waxaa ka dhacday Munaasabad lagu caleema saarayay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, Madaxweynayaasha Puntland, Jubbaland, Koonfur Galbeed, Galmudug, Guddoomiyaha Aqalka Sare, Wasiiro, Xildhibaano, xubnaha Beesha Caalamka oo ugu horeeyay Wakiilka QM ee Soomaaliya ayaa ka qeyb galay Munaasabadda Caleemo Saarka.

Halkan waxaan idin kugu soo gudbineynaa Nuxurka khudbadihii ay jeediyeen Madaxii ka qeyb gashay Munaasabaddaasi.

Madaxweynaha Puntland C/wali Maxamed Cali (Gaas) ayaa sheegay Doorashada Madaxweyne Cabdi Waare in ay ka turjumeyso Federaaliisamka Soomaaliya oo socda, sidoo kalena hirgalay, wuxuuna tilmaamay reer Hirshabeelle in ay heleen hoggaamiyihii ay u baahnaayeen.

bbbbbbbbbbbbbbbbbbb

“Waxaan rabaa inaan la dardaarmo Maxamed, masuuliyadda aad qaaday Allaha kuu fududeeyo, waana kuu hambalyeynayaa, waana kuu duceynaa, reer Hirshabeelle waxay u baahan yihiin in ay helaan cadaalad, Dowladnimada micno ma yeelaneyso, haadi aan laga jawaabin baahida dadka.” Ayuu yiri Gaas.

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) ayaa marka hore ka tacsiyadeeyay Qaraxii 14-kii bishan ka dhacay isgoyska Zoobe, wuxuuna sheegay dhacdadaasi in ay aheyd mid ay geysteen dad uu ku sheegay cadow, isaga oo sidoo kale ku baaqay in amniga laga wada shaqeeyo.

“Waxaan saaxiibkay Maxamed oran lahaa xilka aad gacanta ku heyso waa xil culus, oo berri Alle hortiisa laguugula xisaabtamayo, dadka reer Hirshabeelle waxaan oran lahaa hadaadan idinka la shaqeyn waxba ma qaban karo, waxaa isaga intaas u dheer Jowhar 90-KM ayay u jirtaa Xamar, looma baahna Waare inuu Xamar ka soo shaqo tago oo uu ogaado in Jowhar ay tahay caasimadii Hirshabeelle.” Ayuu yiri Axmed Madoobe.

e2

Madaxweyne Xaaf ayaa yiri “Maxamed Cabdi Waare Saaxiibkay 26 sano ayaan is naqaan, dadkii Soomaaliya ku soo cara boobay ayaan nahay, hadana waxaan Alle ka rajeynayaa in uu Ummadiisa u qidmeyn doono, reer Hirshabeelle la shaqeeya Maxamed, horta ayaantan waan kar karayaa ii soo duceeya in Alle uu iga dejiyo howsha, waxaad kaloo iigu duceysaan in Ahlu sunna uu Alle ii dhega fududeeyo.

e5

Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare oo ka hadlay Qaraxii Zoobe ayaa marka hore u tacsiyadeeyay Ehelada dadkii ku dhintay Qaraxii Zoobe, isaga oo sidoo kale sheegay in aysan dan aheyn in sidan looga aamuso falkaasi.

Ra’iisul Wasaare Kheyre oo sharaxaya waxa looga hadli doono shirka wadatashi ee Dowladda Federaalku ku marti qaaday Dowladd Goboleedyada ayaa sheegay gogosha uu fidiyey Madaxweynaha in aysan aheyn gogol la fidiyey keliya wada hadal, balse looga hadli doono wax walbo oo Dowladd Goboleedyada iyo Dowladda Federaalka kala tabanayaan.

“Dadka Soomaaliyeed waxaan u sheegaya in kuligeen uu inaga dhexeeyo hal dal oo la yiraahdo Soomaaliya, dalkale oo noo bedeli doona dalkan ma jiro, Dalkan waa dalka keliya ee ay tahay inaan ku wada noolaano, caruurta xaqa inoogu leh inaan u sameyno mustaqbal kan anagu aan heysano ka duwana, ay tahay inaan u dhisno mustaqbalka.” Ayuu yiri Khayre.

e1  e3 e4  e6

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Jowhar 

____________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment