2823 Views

Sawiro:- Jawaari oo Khartoum kula kulmay guddoomiyaha Baarlamaanka Sudan

Sawiro:- Jawaari oo Khartoum kula kulmay guddoomiyaha Baarlamaanka Sudan
____________________________________________________________________________

Khartuum | QOL | 29  Oktoobar 2017 — Wafdi uu hogaaaminayo gudoomiyaha golaha shacabka JFS oo booqasho ku jooga Dalka Suudaan ayaa maanta Magaaladda Khartuum ee xarunta dalka Suudaan kulan kula qaatay gudoomiyaha Baarlamaanka ee dalkan Suudaan.

Gudoomiyaha golaha shacabka iyo waddigiisa ayaa lagu soo dhoweeyay xarunta Baarlamaanka ee dalka suudaaan ,waxaana labada Gudoomiye ay ka wada hadleen xiriirka labada dal gaar ahaan iskaashiga iyo wada shaqeynta iyo iskaashiga labada Baarlamaan.

Sidoo kale waxa ay labada dhinac wada qaareen kulan ay goob jog ahaayeen xildhibaano ka tirsan labada Baarlamaan ee Soomaaliya iyo Suudaan ,waxaana kulanka looga hadlay sidii labada dal ay isaga kaashan lahaayeen,dhinacyo badan oo ay ka mid yihiin dejinta shuruucda Baarlamaanada labada wadan ,

Xildhibaan Maxamed C/llaahi Xasan nuux oo ah habdhowraha golaha shacabka oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in sidoo kale ay labada Gudoomiye ka wada hadleen isdhaafsiga qubaro dhinaca sharciga ah

8 5 3u4

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Khartuum 

_______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment