2445 Views

Gudoomiye Taabid oo amar dul dhigay booyadaha iyo gaadiidka xamuulka.

Gudoomiye Taabid oo amar dul dhigay booyadaha iyo gaadiidka xamuulka.
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | 30  Oktoobar 2017 — Taabid Cabdi Maxamed Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho ayaa maanta soo saaray Wareegto uu ku mamnuucayo in Booyadaha aysan magaalada gudaheeda ku socon karin 7-da subaxnimo ilaa iyo Sideeda Fiidnimo iyo sidoo kale in Gaadiid xamuulka qaada aysan rari karin tan ka badan culeyska gaariga.

Wareegtada ka soo baxday maamulka Gobalka Banaadir ayaa lagu wargiliyay Darawalada gaadiidka xamuulka qaada iyo Booyadaha in ay amar kaan u hogaansamaan cidii jabisa ama ku xad gudubtana ay la kulmi doonto ganaax lacageed oo gaaraya Toban Milyan oo Shilin Soomaali ah (10,000,000). Oo u dhiganta ku dhawaad $ 500.

Maamulka Gobolka ayaa sheegay in wareegtadan lagu baahin doono Warbaahinta mudo sedex maalin ah si dadka loo baraarujiyo isla markaana ay u wada ogaadaan xeerkan, waxaana Talaabadan looga gol leeyahay xaqiijinta amniga iyo in laga jawaabo cabashooyin ka yimid shacabka ku nool Gobolka Banaadir.

Wadooyinka qaar ee magaalada Muqdisho oo xiran iyo Gaadiidka oo tira beelay ayaa sababay Mashquul badan iyo Ciriiri ka jira Wadooyinka tirade yar kulmisay Isticmaalkeeda wixii gaari Muqdisho lagu watay.

Sidoo kale Wadooyinka xiran iyo mashquulka ka jira Wadooyinka kale fara ku tirska ah ayaa qeyb ka qaata korarka Qasaaraha xiliyada ay magaalada ka dhacaan Weerarada Al-Shabaab.

In kabadan kala bar dadkii ku dhintay Qaraxyadii ugu danbeeyay ee ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa la sheegay in ay ahaayeen dad saarnaa gaadiidka B.l-ka ee dad weynaha iyo Gaadiid si gaar ah loo leeyahay.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment