2367 Views

Duqayn Ka Dhacaday Gobalka Bari Iyo Marykanaka Oo Warka Soosaaray Duqayntaasi

Duqayn Ka Dhacaday Gobalka Bari Iyo Marykanaka Oo Warka Soosaaray Duqayntaasi
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | November 04, 2017 —Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in ay Aaminsan tahay in duqeyntii ka dhacay gobolka Bari in lala beegsaday hoggaamiyaha Kooxda Daacish ee Soomaaliya.

Sarkaal ka tirsan wasaaradda difaaca Maraykanka ayaa xaqiijiyay duqeyntaasi ay u badan tahay ,  in lala bartilmaameesaday hoggaamiyaha Daacishta Soomaaliya Cabdulqaadir Muumim.

Degaanka duqeyntu ay ka dhacday ayaa qiyaasii 60 km u jira degmada Qandala oo ay hadda ka hor kooxdaasi qabsatay.

Saraakiisha Maraykanka ayaa sheegay inay baaritaan ku sameynayaa khasaraha ka dhashay duqeynta ay la beegsadeen maleeshiyada taageersan kooxda Daacish.

Waxaa sidoo kale soo baxaya in dowladda Mareykanka ay jimicii beegsatay Koox ka tirsan Daacish oo Meydad Aasaayay, waxaana la sheegay in uu ka dhashay khasaare kala duwan.

Sheekh C/qaadir Muumin oo haysta dhalashada dalka Ingiriiska, ayaa horey u soo noqday Madaxii Dacwadda ee Al Shabaab, iyadoona uu muddo dheer ka tirsanaa Shabaabka

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment