2097 Views

Madaxweynaha Hirshabeelle oo ku dhawaaqaya Golihiisa wasiirrada

Madaxweynaha Hirshabeelle oo ku dhawaaqaya Golihiisa wasiirrada
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | November 14, 2017 – Magaalada Jowhar ee Xarunta Maamulka Hirshabeelle waxaa ka socda u diyaar garowga munaasibadda ku dhawaaqidda Golaha wasiirrada cusub ee uu yeelanayo Maamulkaas.

Madaxweynaha cusub ee Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa dhameystiray liiska golaha wasiirrada Maamulkiisa,waxaana la filayaa in uu ku dhawaaqo saacadaha soo socda.

Tirada Golaha wasiirrada ee uu diyaariyay Maxamed Cabdi Waare ayaa lagu sheegayaa in ay gaarayaan 54 Wasiir Gole ka kooban,waxaana ka mid noqonaya kuwa hadda xilka haya.

Sidoo kale Wasiirradan ayaa tirada ugu badan waxa aay yihiin Xildhibaannada Baarlamaanka Hirshabeelle gaar ahaan kuwii ka shaqeeyay xilka qaadistii Cosoble.

Warar aanu ka heleyno Jowhar waxaa ay sheegayaan in Maxamed Cabdi Waare uu diyaarinayo ku dhawaaqista Golaha wasiirrada iyada oo beelaha qaar ay wali qabaan dood la xiriirta saamiga Golaha wasiirrada ee Hirshabeelle.

.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment