2853 Views

Wasiir Yuusuf Garaad oo hortagaya xubnaha Aqalka Sare

Wasiir Yuusuf Garaad oo hortagaya xubnaha Aqalka Sare
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | November 14, 2017– Wasiirka Arrimaha Dibadda Dowladda Federaalka Soomaaliya Yuusuf Garaad Cumar ayaa maanta hortagaya xubnaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Xubnaha Aqalka Sare ayaa su’aalo weydiinaya Wasiirka Arrimaha Dibadda Yuusuf Garaad, waxaana ay wax ka weydiinayaan waxyaabaha u qabsoomay Wasaaradiia.

Xildhibaanada Aqalka Sare ayaa maalmihii dambe u yeerayay Wasiirada ka tirsan Xukuumadda Soomaaliya, waxaana ay wax ka weydiinayeen Wasaaradahooda waxyaabaha u qabsoomay.

Wasiirkii ugu dambeeyay ee xubnaha Aqalka Sare ay su’aalo weydiiyaan ayaa waxa uu ahaa Wasiirka Duulista iyo Hawada Soomaaliya Maxamed Oomaar

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment