2394 Views

Hoggaamiyihii jabhadda Janjaweed oo lagu xiray Sudan

Hoggaamiyihii jabhadda Janjaweed oo lagu xiray Sudan
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL |  28 November, 2017 —Mas’uuliyiinta dalka Sudan ayaa xabsiga u taxaabay madaxii jabhadda Janjaweed kaas oo lagu tuhunsanyahay in uu gobolka Dafuur ka geystay falal lid ku ah xuquuqda bini’aadamka.

Muusa Hilaal ayaa lasoo xiray kadib markii uu la dagaalamay ciidammada Suudaan meel u dhow gurigiisa oo ku yaala waqooyiga Daafuur.

Waxa uu horay xulufo ula ahaa madaxweyne Cumar Al Bashiir, isaga oo hormuud ka ahaa jabhadda dowladda taabacsan ee Janjawee

Qaramada Midoobay ayaa horey cunaqabatayn u saartay Muuse Hilaal sababo la xiriira tuhun laga qabtay in uu gaboodfalo ka geystay Daafuur.

Wiil uu dhalay oo lagu magacaabo Xabiib ayaa sidoo kale lagu xiray isku dhaca ka dhacay Waqooyiga Daafuur sida uu sheegay wasiirka difaaca Suudaan Jeneraal Cali Maxamed Saalim.

“Waxaa lasoo xiray markii isku dhacyo ay halkaas ka dhaceen, xaaladda ammaanka ee meeshaas waa ay degentahay, dhawaana Khartuum ayaa la keeni doonaa” ayuu yiri wasiirka.

Muuse Hilaal ayaa loo magacaabay la taliyaga madaxweyne Al Bashiir sanadkii 2008-dii , balse markii dambe ayay isku dhaceen labada nin.

Ciidammadiisa ayaa si joogto ah ay isku dhacyo u dhexmari jireen kuwa dowladda.

Isku dhacan ugu dambeeyay ayaa dhacay kadib markii ciidanka dowladda weerar gaadmo ah lagu qaaday xili ay ku guda jireen hawl hub ka dhigis ah oo qeyb ka ahaa heshiis nabadeed.

Militariga Suudaan ayaa sheegay in ay ka dhinteen illaa 10 askari.

Muuse Hilaal ayaa diiday in uu hubka dhigo, wuxuuna sidoo kale diiday in uu galo wax wadahadalo waanwaan ah.

Xasarada Daafuur ayaa bilaabatay sanadkii 2003-dii markii jabhad dadka madoow ah ay halkaas ka kacday , iyaga oo dowladda ku eedeeyay in ay daryeeleyso dadka carabta oo kaliya.

Taas waxaa jawaab looga dhigay in la abaabulo jabhadda Janjaweed oo lagu eedeeyay in ay mas’uul ka tahay gabood falo badan.

Maxkamadda adduunka ayaa waaran xarig u jartay madaxweyne Al Bashiir isaga oo lagu eedeeyay dambiyo dagaal sanadkii 2010-kii.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

__________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment