3552 Views

Japan oo $3 Milyan Oo doollar ugu deeqday Barakacayaasha Somaliya

Japan oo $3 Milyan Oo doollar ugu deeqday Barakacayaasha Somaliya
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL |  29 November, 2017 —doollarka Mareykanka ah ugu deeqday Hay’adda UNICEF si wax looga qabto abaaraha ka jira Soomaaliya gaar ahaan gar gaarka deg degga ah ee naf bad baadinta.

Lacagtaas waxaa lagu bixin doonaa adeegyada Caafimaadka,Nadaafadda,Biyaha,nafaqeynta Carruurta iyo wax ka qabashada degaanka dadka barakacayaasha ah.

Sida ay sheegtay UNICEF lacagtan waxaa ka faa’ideysan doona 17,500 oo Soomaali ah,waxaana ay ku filnaan doontaa muddo lix bilood ah taas oo Hay’adda ka caawin doonta joogteynta adeegyada samafalka ah ee ay ka wadda Soomaaliya.

Steven Lauwerier., oo ah wakiilka UNICEF ee Soomaaliya ayaa sheegay lacagaah sidoo kale ay ku qaban doonaan dhismaha musqulaha Barakacayaasha,Dawada ka hortagga Cudurka Shubanka

 

Waxaa uu sheegay in Carruur ka badan 230,000 oo Soomaali ah ay sanadka soo socda wajihi doonaan macluusha ay ka tagtay abaarta ku dhufatay Soomaaliya oo dhan,taasina ay hadda UNICEF dadaal u geleyso sidii ay u heli lahayd lacagihii ay uga hortagi lahayd.

Steven Lauwerier.,ayaa sheegay in Sanadkan 2017 Soomaaliya ka diiwaangeliyeen 75,000 oo kiisaska Cuduruka SHubanka ah,kaas oo ku dhacay Dadka ay abaaraha saameeyeen una badan Barakacayaasha gudaha Soomaaliya.

Waxaa uu dowladda Japan uga mahad celiyay dadaalkeeda ay ku garab taagan tahay Hay’adaha Qaramada Midoobey ee samafalka ka wada Soomaaliya,waxaana uu rajo wanaagsan ka muujiyay in Barakayaasha helaan Biyo Nadiif ah.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

__________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment