2379 Views

Wasiirkii Labaad ee Hirshabeelle oo is casilay iyo Kulamo ka soconaya Jowhar.

Wasiirkii Labaad ee Hirshabeelle oo is casilay iyo Kulamo ka soconaya Jowhar.
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | 01-Dec-2017 –Muxsin Muxumed Sheekh Shafeec oo ahaa Wasiiru Dowlihii Amniga & Dhaqancelinta Hirshabelle kana tirsanaa xubnihii la soo magacaabay 29-kii bishii November ee sanadkaan ayaa sheegay in uu iska casilay xilkii uu ku magacaawnaa.

Muxsin ayaa sheegay is casilaadiisa sabab u tahay in uusan ku qanacsaneyn xilka loo magacaabay beeshiisana ay kula talisay in uu iska casilo xilkaasi kadib la tashiyo uu la sameeyay dhaqanka iyo Xildhibaanada ugu jira Hirshabeelle.

Waa wasiirkii Labaad ee iska casila xilkii uu ku magacaawnaa ee Hirshabeelle waxaana ka sii horeeyay Wasiiru Dowlihii Wasaaradda Boostada & Isgaarsiinta Hirshabelle Ismaaciil Maxamed Culusow, ka dib markii uu sheegay inaanan lagala tashan xilkaasi.

Dhanka kale waxaa soo baxaya warar sheegaya in Xildhibaanada Hirshabelle iyo Odayaasha Dhaqanka qaarkood, ay Golaha Wasiirada cusub ku cadaadinayan in ay is casilaan, si Madaxweyne Waare uu wax ka bedel ugu sameeyo Golihiisa

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

__________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment