2397 Views

Muqtaar Roobow Oo Awaamiir Dhul-Dhigay Wariyaasha Ku Nool Koonfur Galbeed

Muqtaar Roobow Oo Awaamiir Dhul-Dhigay Wariyaasha Ku Nool Koonfur Galbeed
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | Disembar 04, 2017 —Wadaadka Muqtaar roobow Cali Abuu Mansuur ayaa Maanta Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay wxa uu kula kulmay Wariyaasha ka howlgala Magaaladaas.

Kulanka ayaa ahaa mid Muqtaar roobow uu Wariyayaasha ku casuumay,iyada oo lagu wargeliyay in ay Madaxtooyada tagaan,sida Wariyaasheena ku sugan Baydhabo ay soo sheegayaan.

Sidoo kale waxaa la sheegay in markii ay tageen halkii uu Muqtaar Roobow Madaxtooyada kaga jiray ayaa waxaa Wariyayaasha  lagu wargeliyay in ay demiyaan Qalabka ay wataan iyo waliba taleefoonadooda.

ntaasi kadib Muqtaar Roobow ayaa Wariyayaasha u sheegay in aysan tebin xiliyada Wararka in isagu uu isku soo dhiibay dowladda balse ay ka dhigaan in uu wadahadal uu u socdo dowladda.

Arrintaan oo u muuqatay in ay aheyd mid amar ah ayaa waxaa la socda Madaxtooyada Koonfur Galbeed oo ammaankiisa ilaalineysa,welina Madaxda ugu sareysa Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment